Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaar Kamid ah Dalalka Yurub oo Ogolaaday Inay Qaataan Caruurta Qaxootiga ee Ku Xaniban Xadka Dalkak Turkiga iyo Giriiga.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Qaar Kamid ah Dalalka Yurub oo Ogolaaday Inay Qaataan Caruurta Qaxootiga ee Ku Xaniban Xadka Dalkak Turkiga iyo Giriiga.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shan dal oo kamid ah dalalka Yurub ayaa si rasmi u ogolaaday inay qaadi doonaan oo magangelyo siin doonaan caruurta yaryar ee qaxootiga ah ee ku xaniban xadka Turkiga iyo Giriiga.

Arrintan waxaa shaaciyay Guddigii Golaha Midowga Yurub u xil saareen inay ka shaqeeyaan sidii loo xallin lahaa xaaladda qaxootiga, waxayna gudigu tilmaameen in aan la eegan karin xaaladda ay ku sugan yihiin dadka qaxootiga ah ee wali jooga xadka Turkiga iyo Giriiga.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Wadamada Yurub ee ogolaaday inay qaadan doonaan caruurta ayaa kala ah Finland, France, Germany, Luxembourg iyo Portugal, dalalkaas oo caddeeyey inay baaritaan dhinacyo badan ah marsiin doonaan caruurta qaxootiga ah, waxyaalaha laga baarayona waxaa kamid ah cudurka Coroona Virus.

Tirada caruurta uu dal walba ka qaadi doono qaxootiga lama shaacin balse warbaahinta Jarmalka ayaa sheegay in tirada guud ee caruurta dalalkaasi qaadi doonaan ay gaareyso 1,500 oo caruur ah, sidoo kale lama sheegin da’da laga rabo caruurtaasi inta ay jirto.

Waxaa sidoo kale la tilmaamay in dalalkaasi ay shuruud ka dhigeen in caruurta ay qaadayaan ay noqdaan kaligood balse haddii cid kale ku lammaan tahay ama ay la socoto in aysan qaadi doonin.

Dadka qaxootiga ah eek u xatiran xauduudka Turkiga iyo Giriiga intooda badan waa  reer Siiriya kuwaas oo ka cararaya dagaalka wadankooda, laakiin waxaa sidoo kale jira muhaajiriin kale oo u dhashay Afqanistaan, Pakistaan, iyo kuwa kale oo ka socda Galbeedka Afrika, kuwaas oo dhamaantood doonaya inay gaaraan wadan ka tirsan Midowga Yurub si ay nolol cusub u helaan.

Previous Post

Wasiirka Dhaqanka France oo Laga Helay Caabuqa Crona.

Next Post

Guddiga Dib u Heshiisiinta Qaranka oo Maanta Ka Qayb Geli Doona Ololaha Isxilqaan.

Next Post
Guddiga Dib u Heshiisiinta Qaranka oo Maanta Ka Qayb Geli Doona Ololaha Isxilqaan.

Guddiga Dib u Heshiisiinta Qaranka oo Maanta Ka Qayb Geli Doona Ololaha Isxilqaan.

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In