Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaar kamid ah Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo soo bandhigay waxqabadkooda

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Qaar kamid ah Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo soo bandhigay waxqabadkooda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb-galay Munaasabad lagu soo bandhigayey Waxqabadka Xukuumadda iyo qorshaha Geeddi socodka hannaanka dawladnimada.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano, bulshada rayidka, oday dhaqameedyada, haweenka iyo bulsho weynta Soomaaliyeed.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnaha Golaha Wasiirada ayaa si toos ah halkaasi ugu soo bandhigay wax-yaabihii u qabsoomay mudadii ay shaqeynayeen iyo qorshaha u dagsan dhowrka sano ee soo socda. Waxana wasiiradii goobta ka hadlay ay soo bandhigeen waxyaabihii u qabsoomay.

Wasiirka Qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay markii ugu horeysay in dalka gudihiisa lagu saxiixay heshiisyo horumarineed oo ay ku baxayso malaayiin dollar, lacagtaas oo bixinayaan dawlado Soomaaliya ka taageera dhinaca horumarka oo ugu danbeysay midkii qadar, dhowaana ay heshiis kale oo horumarka dalka wax looga qabanayo la saxiixan doonaan hay’adda USID heshiiskaas oo ku kacaya lacag dhan (300,000,000 USD) saddex boqol oo Milyan oo dollar.

Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa dhankiisa sheegay in wasaaraddu ay sameysay  siyaasad hufan oo dhinaca maareynta maaliyadda ah, isla markaana uu kordhay dakhliga dawladda iyo canshuuraha, taasoo sahashay in sideedii bilood ee la soo dhaafay ay si joogto ah mushaarkooda u helaan shaqaalaha rayidka ah ee dawladda ayna jirinna wax dayn ah oo looga leeyahay gudaha dalka.

Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa tilmaamay in dhawaan ay la soo wareegayaan hawada Soomaaliya, uuna gabagabo marayo qalabkii loo baahnaa si hawada ay ula soo wareegaan.

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa xusay in horumar laga gaaray dhinaca amniga, isla markaana la xaqiijiyey ammaanka caasimadda, lana qabtay xubno mihiim ah oo kamid ah shabaab,  Isla markaana uu heer fiican marayo qorshaha amniga iyo xasilloonda guud ee dalka.

Previous Post

Guddiga shaqaalaha rayidka oo ka saacidaya Dowlad goboleedyada dalka hanaanka diiwaangalinta shaqaalaha

Next Post

Soomaaliya oo laga xusay maalinta Aidiska Adduunka “SAWIRRO”

Next Post
Soomaaliya oo laga xusay maalinta Aidiska Adduunka “SAWIRRO”

Soomaaliya oo laga xusay maalinta Aidiska Adduunka "SAWIRRO"

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In