Qalabkan Caafimaad ee maanta la gaarsiiyay Degmooyinka Caabudwaaq,Balanbale iyo deegaanka Dhabad oo ka tirsan gobolka Galgaduud oo ahaa Hal Konteenar oo ay ku jiraan qalab caafimaad oo loogu adeegayo bulshada.
Waxaana Qalabkan Caafimaad Degmooyinka ugu deeqay Hay’adaha African Development for education health iyo somali health education development oo is kaashanaya
Marka uu gaaray Konteenarkii loogu talagalay Sadexda Magaalo ee kala ah Caabudwaaq,Balanbale iyo Dhabad ayaa waxaa gacantooda kula wareegay Masuuliyiin ka tirsan Gudiga Airportka oo loo soo wakiishey Bixinta Qalabkaan waxaana goob joog ka ahaa Madaxa arimaha buslahada ee Maamulka Degmada Caabudwaaq iyadoona lagu rogey Baqaar wayn oo ku yaala Bartamaha Caabudwaaq si Degma kasta ay qaybta ay leedahay loogu qaado/
Shuuke Faarax Cowl,iyo Daahir Faarax Xaashi oo loo soo wakiishay qalabkan ayaa ka warbixiyay Qalabkaan Caafimaad iyo Sida loo kala leeyahay oo uu sheegeen in uu soo gaaray Qalabkii loo soo
wakiishey ayna sidii loogu talagalay ay u bixin doonaan.
Cabdiqaadir Faarax Gurey iyo Muqtaar Macalin Tahliil oo kamid ah Gudiga Airportka ayaa tilmaamay in Baahi wayn loo qabay Qalabkaan waxbadan oo dhanka Caafimaadka ahna uu ka tari doono deegaanada loogu
talagalay
Madaxa Arimaha Bulshada ee Maamulka Degmada Caabudwaaq Khaliif C/samad Cali oo goobjoog ka ahaa Markii qalabkaan la dajinayay ayaa umahad celiyay hey’ada AFRICAN DEVELOPMENT FOR EDUCATION HEALTH
(A.D.E.H) isagoona geesta kale Jaaliyada ka soo jeeda Waqooyiga Gobalka Galgaduud ugu baaqay in aqoonyahano ay u soo diraan Bulshadooda si ay ugu adeegaan qalabkani.