Wednesday, January 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qalab iyo Dawooyin caafmaad oo la gaarsiiyey degmada Boondheere

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Dhallinyarada degmada Boondheere oo la doortay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qalab Caafmaad iyo Dawooyin loogu talagalay in lagu caawiyo habeenka Uurka leh oo ay ku deeqeen ardeyda Jaamacadda Banaadir, ayaa la gaarsiiyey xarunta Caafmaadka degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Deeqdan Qalabka caafmaad iyo Dawooyinka ka kooban ee ka timid ardeyda Jaamacadda Benadir ee la gaarsiiyey xarunta Caafmaadka ee degmada Boondheere, ayaa waxaa lagu wareejiyey maamulka xarunta M.CH-ka, iyagoo si weyn ugu mahadceliyey Qalabka iyo Dawada oo si gaar ah wax loogu qaban doono haweenka degmada ee Uurka leh, kuwaas oo u baahnaa Dawooyinka oo gaarayey ilaa Shan Kartoon oo Faleebooyin iyo dawooyin kale.

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

January 13, 2026
Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

January 13, 2026

Masuuliyiinta Qalabka iyo Dawooyinka xarunta Caafmaad geeyey waxaa ka mid ahaa Agaasimaha Isbitaalka Martiini Dr. Caasho Cumar Axmed, waxa ayna sheegtay in qalabka iyo dawooyinka ay yihiin kuwa ka yimid ardeyda Jaamacadda Benadir, si ay bulshada ugu faa’ideeyaan awoodda ay u leeyihiin in ay ka qeyb-qaataan u gargaaridda shacabkooda, waxa ayna kula dardaarantay maamulka xaruntaasi in ay Haweenka Uurka leh ku caawiyaan Dawooyinka loogu talagalay.

Madaxa M.C.H-ka degmada Boondheere Ruqiya Maxamuud Afrax, ayaa si weyn ugu mahadceliyey ardeyda Jaamacadda Benadir iyo Agaasimaha isbitaalka Martiini sida ay u soo gaarsiiyeen deeqdan muhiimka ah ee dhanka adeegga caafimaadka ah, waxa ayna ballan qaaday in loogu adeeggi doono dadka u baahan.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir, Jawaahir Baarqab, ayaa sheegtay in Haweenka Soomaaliyeed ay mar walba diyaar u yihiin in ay is caawiyaan, gaar ahaan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen kuwa u baahan caafmaadka iyo adeegyada kale, waxa aya u mahadcelisay dhammaan ardeyda iyo maamulka Jaamacadda Banaadir ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Previous Post

Tababar la xiriira kubadda Koleyga oo Garoowe ka furmay (Sawirro)

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso barnaamijka bandhigga wareysiyada ee ka baxa Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

January 13, 2026
0

Magaalada Ankara ayaa lagu qabtay munaasabad lagu saxiixayay hirgelinta heshiiskii iskaashiga (MoU – June 2016) ee u dhexeeyay Wasaaradda Shaqada...

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

January 13, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Meru Mutuma M'Ethingia iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya ee...

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

January 13, 2026
0

Kulanka Golaha Wasiirrada Boqortooyada Sacuudiga, oo uu shir-guddoominayay Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis Aala Sacuud, ayaa si cad u muujiyay in...

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

January 13, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey go'aanka Golaha Xukuumadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In