War qoral ah oo maanta ka soo baxay Xarunta Qaraamada Midoobay ee Magaalada New York ayaa lagu sheegay in tan iyo markii uu dib u bilawday dagaalada ay Xukuumadda Ciraaq dib ugu soo ceshnayso gacanta kooxda argagixisada ah ee Daacish magalada Istaratiijiga ah ee Mousil ayย magaaladaasi ka barakaceen dad gaaraya 132 kun oo qof.
Farhan Xaq oo ahย ku xigeenka Afhayee ka Qaraamada Midoobay oo shir jaraidย u qabtay ragga wararka fidiya ayaa sheegay in 114 kun barakacyaashaasi ka mid ah ay haatan ku sugan yihiin Xeryo qaxooti ah oo loogu sameeyay gudaha dalka Ciraaq.
Wuxuuna Afhayeenku intaa raaciyay inay dadka Weli ku harsan gudaha magaalada Mousil ย ay haysato dhibaato baahsan iyo waliba waxyabaha ย kale ee daruuriyaadka u ah nolasha aadanaha sidaย biyaha ayna u dheertay amni darro.