Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaramada midoobay oo kaalmo u raadinaysa 4.9 milyan oo Soomaali ah.

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Qaramada midoobay oo kaalmo u raadinaysa 4.9 milyan oo Soomaali ah.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hey’daha qaramada midoobay oo ka shaqeeysa Soomaaliya ayaa sheegay in ay codsanayaan lacag gaaraysa 885 million  oo doolar kuwaas oo lagu bixin doono kaalmo bani’aadminimo dalka Soomaaliya sanadka  2016.

Xafiiska isku dubaridka gargaarka ee loo soo gaabiyo OCHA ayaa sheegay in ku dhowaad 4.9 milyan oo dad ah ay u baahan yihiin gargaar bani’aadminimo  Soomaaliya taas oo la doonayo in hey’adaha ay kaalmo gaarsiiyaan 3.5 milyan oo dad ah sanadkan gudahiisa.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Tani waxaa ku jira  1 million oo ruux oo ay soo wajahday cunto yari, halka 3.9 million ay wali baaqi ku sii yihiin u nuglaanshaha baahida,” waxaa sidaasi sheegay madaxa qaramada midoobay  u qaabilsan qorshaha ka jwaab bixinta xaaladaha bani’aadanimo ee Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay OCHA,  El Nino ayaa saameysay, sanadkii 2015 ku dhowaad 145,000 oo ruux taas oo ugu sii dartay xaaladaha nolaleed ee Soomaaliya ka jiray.

“Qorshaha ka jawaab bixinta xaaladaha bani’aadminimo ee Soomaaliya ayaa codsanaya 885 million dollars  si ay u gaaraan 3.5 million  oo ruux kuwaas oo u baahan kaalo bani’aadminimo, xilli  talaabooyinka insaaniga ah ay la xiriiraan xaaladaha xilliyeed,”  ayaa lagu yiri war-saxaafadeed.

Sanadkii 2015 ururada la shaqeeya qaramada midoobay waxaa u suuragashay in ay gaaraan  ku dhowaad 2.5 milyan oo ruux kuwaas oo ay ku jiraan kuwa ugu baahida badan marka laga eegayo gargaarka nolaleed.

Ugu dambeyntii OCHA, ayaa u mahadcelisay dadkii ku deeqay 14 milyan oo doolar kuwaas oo jawaab deg deg ah looga bixinayay dhibaatooyinkii ka dhashay roobabkii El Nino ee sanadkii la soo dhaafay ka da’ay deegaano kamid ah Soomaaliya.

 

 

Previous Post

Abwaan Cali Sugulle oo Hargeysa lagu aasay

Next Post

Jaamacadda Carabta oo ku baaqday xaqiijinta midnimada Soomaaliya

Next Post
Jaamacadda Carabta oo ku baaqday xaqiijinta midnimada Soomaaliya

Jaamacadda Carabta oo ku baaqday xaqiijinta midnimada Soomaaliya

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In