Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaramada midoobay oo kaalmo u raadinaysa 4.9 milyan oo Soomaali ah.

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Qaramada midoobay oo kaalmo u raadinaysa 4.9 milyan oo Soomaali ah.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hey’daha qaramada midoobay oo ka shaqeeysa Soomaaliya ayaa sheegay in ay codsanayaan lacag gaaraysa 885 million  oo doolar kuwaas oo lagu bixin doono kaalmo bani’aadminimo dalka Soomaaliya sanadka  2016.

Xafiiska isku dubaridka gargaarka ee loo soo gaabiyo OCHA ayaa sheegay in ku dhowaad 4.9 milyan oo dad ah ay u baahan yihiin gargaar bani’aadminimo  Soomaaliya taas oo la doonayo in hey’adaha ay kaalmo gaarsiiyaan 3.5 milyan oo dad ah sanadkan gudahiisa.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

“Tani waxaa ku jira  1 million oo ruux oo ay soo wajahday cunto yari, halka 3.9 million ay wali baaqi ku sii yihiin u nuglaanshaha baahida,” waxaa sidaasi sheegay madaxa qaramada midoobay  u qaabilsan qorshaha ka jwaab bixinta xaaladaha bani’aadanimo ee Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay OCHA,  El Nino ayaa saameysay, sanadkii 2015 ku dhowaad 145,000 oo ruux taas oo ugu sii dartay xaaladaha nolaleed ee Soomaaliya ka jiray.

“Qorshaha ka jawaab bixinta xaaladaha bani’aadminimo ee Soomaaliya ayaa codsanaya 885 million dollars  si ay u gaaraan 3.5 million  oo ruux kuwaas oo u baahan kaalo bani’aadminimo, xilli  talaabooyinka insaaniga ah ay la xiriiraan xaaladaha xilliyeed,”  ayaa lagu yiri war-saxaafadeed.

Sanadkii 2015 ururada la shaqeeya qaramada midoobay waxaa u suuragashay in ay gaaraan  ku dhowaad 2.5 milyan oo ruux kuwaas oo ay ku jiraan kuwa ugu baahida badan marka laga eegayo gargaarka nolaleed.

Ugu dambeyntii OCHA, ayaa u mahadcelisay dadkii ku deeqay 14 milyan oo doolar kuwaas oo jawaab deg deg ah looga bixinayay dhibaatooyinkii ka dhashay roobabkii El Nino ee sanadkii la soo dhaafay ka da’ay deegaano kamid ah Soomaaliya.

 

 

Previous Post

Abwaan Cali Sugulle oo Hargeysa lagu aasay

Next Post

Jaamacadda Carabta oo ku baaqday xaqiijinta midnimada Soomaaliya

Next Post
Jaamacadda Carabta oo ku baaqday xaqiijinta midnimada Soomaaliya

Jaamacadda Carabta oo ku baaqday xaqiijinta midnimada Soomaaliya

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In