Ergeyga cusub ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, u magacaabay dalka Yeman ayaa sheegay in waddanka ugu saboolsan Carabta ay ku xiran tahay nabad galyadiisa sida ay u istaagan colaadda weli ka socda dalkaas.
Hans Gruenberg, oo ah diblomaasi u dhashay dalka Sweden ayaa xilka qabtay shan maalmood ka hor ka, waxaana uu horrey u soo noqday danjiraha Midowga Yurub ee Yeman tan iyo 2019.-kii.
Hadal uu siiyay golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayuu ku yiri xasilloonida Yeman wax aay ku xiran tahay sida ay u istaagaan dagaallada Yeman oo billowday sannadkii 2014-kii haddana socda wax ka badan lix sanno.
‘Xaaladda Yemean waxa ay ku xiran tahay dagaalka aan xadka lahayn iyo in dib loo billaabo wadahadalladii looga hadlayay soo afjarida coladda jirta oo illaa hadda aan guulo dedeg ah laga gaarin” ayuu u sheegay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Dagaalka sokeeye ee ka socda dalka Yemen ayaa billowday bishii March 2014 markii fallaagada Xuutiyiinta ee Iiraan ay taageerto ay qabsadeen caasimadda Sanca iyo inta badan waqooyiga dalka, taasoo ku qasabtay dowladda Madaxweyne Cabdi Rabbuu Mansuur Haddi, inay u guurto dhanka koonfureed ee isla dalka, ka dibna uu saldhigta dalka Sacuudiga.
Si loo muujiyo sida ugu wanaagsan ee loo sii socon karo, ayuu sheegay inuu qorsheenayo inuu dib u eego wixii ka qabsoomay iyo waxa aan qabsoomin, uuna dhageysto dadka u dhashay dalka Yeman oo iyaga la rabo in ay xaaladda door ku yeeshaan.