Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in duqeeymaha ay Israa’iil, ka waddo Falastiin ay sabababeen barakaca in ka badan 260,000 oo qof tan iyo markii Xamaas ay gudaha Isra’iil ka fulisay weerarkii Daadadka Al-Aqsa, sabtigii la soo dhaafay.
Garabka militariga ee dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta ee Xamas, ayaa Isra’iil ku qaaday dagaal xooggan oo ay u bixiyeen Daadka Al-Aqsa, iyaga oo ka jawaabaya weeraradii joogtada ahaa ee ay ciidamada Isra’iil ay ku hayeen Bariga Quddus.
Qaramada Midoobay ayaa sidokale sheegtay in dad ka badan 180,000 oo reer Qaza ahna ay noqdeen guryo la’aan, iyagoo kolkii horaba ku noolaa go’doomin ay Israa’iil ku soo rogtay 16 sano ka hor.