Tuesday, March 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaramada Midoobay oo si kulul u cabmaareeysay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Qaramada Midoobay oo si kulul u cabmaareeysay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ergayga gaarka ah ee xoghayaha Guud ee QM arrimaha Soomaaliya, Micheal Keating ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii argagixiso ee bahalnimada ahaa oo ay Shabaab ka gaystay hotel SYL ee magaalada Muqdisho shallay oo talaada ahayd.

Keating waxa uu xusay in ay tahay markii 3-aad oo ay maleeshiyaadka mayalka adag weeraraan hotel-ka,waxana ay ahayd sannadkii 2015-ka markii hotel weerar noocan oo kale lagu qaaday, inta la dayactiray baa dib alaabadiisa loo furay, haddana tani ma cabso gelinayso ee awaad bay u yeelaysaa dadka Soomaaliyeed ee ganacsigaas ku jira ayuu ku yiri.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

“Ciidanka amaanka ayaa hakiyey khasaaro badan oo nafeed oo uu gaysan gaariga kharxay, waxan tacsida la wadaagayaa dadka ay ehelkooda ku dhintay mashaqada, kuwa ku dhaawacmayna, waxan u rajeynayaa in si dhakhso leh ay uga soo bogsadaan”, Micheal Keating ayaa ku yiri bayaan ka soo baxay xafiiskiisa.

Wakiilka gaar ah midowga Africa ahna madaxa Amisom ayaa sidoo kale cambareyey weerarka, waxa uuna amaanay doorka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay ka qaateen weerarka lagu qaday hotel SYL.

“Waxaan bogaadinayaa feejignaanta Ciidamada amaanka Soomaaliya iyo fal celinta dhakhsiyaha leh ee ay sameeyeen, ciidanku waxa ka go’an aysan siin wax fursad ah oo Shabaab u suura gelin kara in ay sida ay wax u rabaan u fulaan”sidaa waxa bayaan ku yiri, Ambasssador Fransico Madere.

Bayaan ka soo baxay wasaarada arrimaha dibbada ee dawladda Turkiga ayaa isna lagu cambaareeyey weerarkii shallay ee Shabaab ku qaadeen hotel-ka SYL, waxaana lagu yiri “ Turkida waa saaxiib iyo walaal Shacbiga Soomaaliyeed, waxaana naga go’an wax kasto oo taageero ah oo looga guul gaari nabbadda.

Uga yaraan 20 ruux ayaa ku geeriyootay in ka badan 45 kale waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ay kooxda Al-Shabaab weerar bahalnimo ah ku qaaday hotel-ka SYL ee magaalada Muqdisho, ka sakow geerida dad aan waxba galabsan waxa uu qaraxaasi galaaftay bur-burka dhul balaaran oo nawaxigaasi yaalay.

Waxaa mashaqada xinjiraha dhiiga leh dusha u ritay mas’uuliyadiisa kooxda looga bartay Al-Shabaab.

Previous Post

Daawo Sawirrada: Madaxweynaha oo ka qeyb-galay Janaasada Askar ku shahiidday qaraxii shalay

Next Post

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyey geeridii Marxuum Cali Dheere.

Next Post

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyey geeridii Marxuum Cali Dheere.

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In