Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaramada Midoobay oo soo dhaweysay bilowga wejiga labaad e shirka Cadaado ka socda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Nicholas Kay oo cambaareeyay weerarkii Baydhabo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War-saxaafadeed

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo soo dhoweeyay billowga wejiga labaad ee geedi-socodka dhismaha maamul-dowladeedka kumeelgaarka ah ee gobollada dhexe

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Muqdisho, 02 June 2015 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya, SRSG Nicholas Kay ayaa soo dhoweeyay furitaanka wejiga labaad ee maamul cusub oo kumeelgaar ah loogu sameynaayo gobollada dhexe ee Soomaaliya.  Shir wufuudda ka qaybgeleyso ay kusoo xulayaan baarlamaan kumeelgaar ah laguna ansixinaayo cahdi kumeelgaar ah ayaa ka furmay magaalada Cadaado 30ki May, waxaana furay Rai’sul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Ergeyga Gaarka ah, Mudane Kay ayaa soo dhoweeyay sida waxtarka leh ee dadka gobollada dhexe ay uga qayb galeen geedi-socodka, wuxuuna dadkaas ku amaanay sida ay uga go’antahay inay qaddariyaan nidaamka lagu gaarayo nabad iyo xasillooni.

“Waxaan rajeynayaa in dadaalka iyo go’aanka ay wada gaareen dhamaan wufuudda – ka qeybgeleysa shirka – ay u suurto gelin doonto shirka Cadaado inuu ku dhamaado guul. Waxaan ku guubaabinayaa dadka gobollada dhexe inay dhistaan maamulkooda cusub ayagoo ixtiraamaayo mabaadi’da dib-u-heshiisiinta, isu-tanaasulka iyo u-wada-dhamaanshaha hawsha. Gaar ahaan waa in haweenka, dhalinyarada iyo dadka laga tirada badanyahay ay ka qayb-qaataan shirka” ayuu yiri Mudane Kay.

Heshiiska khuseeyo gobollada dhexe waxaa lagu saxiixay Muqdisho 30ki July 2014 halkaas oo dhamaan dhinacyadi arrintu khuseysay ku wada go’aansadeen inay wada sameystaan maamul loo wada dhanyahay. Wixii ka dambeeyay taariikhdaas, dadka gobollada dhexe waxay u hawlgaleen sidi lagu heli lahaa dib-u-heshiisiin iyo geedi-socod siyaasadeed oo lagu dhisaayo maamul kumeelgaar ah.

 

DHAMAAD

Previous Post

Qalab caafimaad oo loogu deeqay isbitaallada Caabudwaaq iyo Jariiban “SAWIRRO”

Next Post

Qaadista imtixaan mid ah oo laga taageeray Gobolka Banaadir “SAWIRRO”

Next Post
Qaadista imtixaan mid ah oo laga taageeray Gobolka Banaadir “SAWIRRO”

Qaadista imtixaan mid ah oo laga taageeray Gobolka Banaadir "SAWIRRO"

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In