Saturday, May 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Faah faahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay Kismaayo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Shir lagu soo xulayo xildhibaanada maamulka Jubba oo Kismaayo ka furmaya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay tiro dad ah oo lala xiriirinayo qarax gelinkii dambe ee maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa xog dheeraad ah ka helay telefonkii gacanta ee uu watay dhagarqabihii isku qarxiyay magaalada Kismaayo, taasi oo suurta gelisay in lagu soo qabto tiro dad ah.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

May 9, 2026
Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

May 9, 2026

Dhagar qabaha isqarxiyay ayaa doonayay in uu galo mid ka mid ah xarumaha ciidamada Nabadsugidda ee magaalada Kismaayo, gaar ahaan xaafadda Far-janno.

Aadan Maxamed Salaad Wariyaha Warbaahinta Qaranka oo goor dhaw la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in falkaasi ay ku dhinteen labo ruux oo mid ka mid ah ahaa qofkii isqarxiyay iyo gabar todobo jir ah oo goobta ku ganacsaneysay, kadib markii uu iskudayay in uu isku tuuro gaari ciidamada NISA ay wateen, balse uu meel cidlo ah ku dhacay.

Falka ayaa waxaa ku dhaawacmay labo kale oo rayid ah, kuwaasi oo lagu dabiibayo mid kamid ah xarumaha caafimaadka ee magaalada Kismaayo

Kornayl Axmed Muuse madaxa dambi baarista ee ciidanka Nabad sugidda ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in tiro dad ah loo soo qabtay caawa falkii maanta ka dhacay Kismaayo, ayna socdaan baritaanno dheeraad ah.

Previous Post

UNHCR & Qunsuliyadda Guud ee Caden oo iska kaashanaya qaxootiga Soomaaliyed ee raba inay dalkooda ku soo laabtaan

Next Post

Wasiirka Dasturka “Culimada Soomaaliyeed door aad u muhiim ah ayey ku leeyihiin Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka” SAWIRRO

Next Post
Wasiirka Dasturka “Culimada Soomaaliyeed door aad u muhiim ah ayey ku leeyihiin Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka” SAWIRRO

Wasiirka Dasturka “Culimada Soomaaliyeed door aad u muhiim ah ayey ku leeyihiin Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka” SAWIRRO

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dawladda Qatar u...

Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray go’aanno ku aaddan sida ay u dhaceyso doorashada KGS ee...

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa caawa shir-guddoomiyey kulanka amniga caasimadda...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo tababar u soo xiray howl-wadeennada ka shaqaynaya doorashada KGS

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo tababar u soo xiray howl-wadeennada ka shaqaynaya doorashada KGS

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, oo uu wehlinayay Xoghayaha Guud ee Guddiga,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In