Qaraxan ayaa ka dhacay Goob gawarida la dhigta meel ku dhaw warshad ganacsi oo ku taala magaalada Antalya koofurta Turkiga sida ay sheegayaan warbaahinta gudaha Turkiga waxaa halkaasi ka dhashay qasaro nafeed iyo burbur hantiyeed.
Inta la xaqiijiyay waxaa halkaasi ku dhawacmay 12 ruux oo rayid ah wax dhimasha ah oo qaraxaasi ka dhashay lamasheegin.
Sida uu sheegay madaxa amniga magaalada Antalya waxuu qaraxaani dhacay ka hor inta uu san qabsoomin shir loga hadlayay amaanka magaalada Antalya oo ay ka soo qeybgalayeen mas’uuliyiinta kala duwan ee amaanka magaladaani u xilsaaran.
Gudoomiyaha magaalada Antalya Manadrell Turrell ayaa asna dhankiisa warbaahinta gudaha u sheegay in qaraxa usan geeysan qasaaro badan laakin uu qalqal xooggan ku abuuray shacabka ku dhaqan magaalada
Wali ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxaani wallow ay mas’uuliyiinta amniga dalkaasi ay ku edeyeen kooxaha kurdiyiinta ee dalkaasi ka dagaalama
Magaalada Antalya ayaa ah magala xebeedka loogu dalxiiso badanyahay magalooyinka Turkiga ee dhaca bada Mediterranean-ka