Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qarax carruur ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen oo ka dhacay Gaalkacyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Caruurta Mudug oo la ildaran nafaqo darro iyo cudurro kale+Dhageyso warbixin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qaraxaan miino oo maanta si lama filaan ah uga dhacay duleedka dhanka Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray carruur tiradooda lagu sheegay 12, iyadoo  mid ka mid ah uu geeriyooday halka 11 kalana ay  dhaawacmeen kuwaasi oo haatan xaaladooda caafimaad lagu daweynayo qaar ka mid ah isbitaalada ku yaala Waqooyi Galkacyo.

Taliyaha saldhiga dhaxe ee ciidanka booliiska Galkacyo ee Dowlad Gobaleedka Puntland Axmed Maxamed Afrax (Taraafiko) oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan sida ay ku ogaan lahaayeen nuuca uu ahaa qaraxa dhacay.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

“Miinooyinka dhaca, mid ka mid ah ayaa maanta waxa uu ka dhacay Salaama 2, gaar ahaan meel waddada dhexdeeda ah, qaraxa waxaa ku dhaawacantay 11 ilmood iyo halka kii gacanta ku hayay uu dhintay, goobtii uu shilka ka dhacay waan tegnay, wax cad ah oo tilmaan ka bixin karno, ma soo helin, balse waxaan wadnaa baaritaan ku saabsan inay ahaayeen wax cusub ama wax  horey ugu jiray goobta”ayuu yiri Taliyaha.

Dhinaca kalana Agaasimaha Isbitaalka Guud ee Gobalka Mudug ee Puntland  Maxamed Xuseen Aadan ayaa warbaahinta uga waramay xaalada caafimaad iyo xadiga uu la egyahay dhaawac soo gaaray qaar ka mida carruurta oo lasoo gaarsiiyay isbitaalka.

“Waxaa dhacay shil aad iyo aad aan uga xunahay, oo ka dhacay xaafadaha banaankeeda, qaraxaas waxa uu geystay arruurta yar yar mid ka mid ah wuu geeriyooday, lix wax ay jiifaan Isbitaalka GMC lix kalena waxa ay jiifaan isbitaalka Guud ee Jaamacadda magaalada Gaalkacyo, labada mid ah carruurta isbitaalkeena jiifta labo carruur ah ayaa xaaladooda aad u liidata” ayuu yiri Agaasimaha.

Maahan markii u horeysay ee qarax ceynkaan oo kala ah uu ka dhaco magaalada galkacyo iyo daafaheeda isla markaana ay waxyeelo kasoo gaarto dad maati ah magaalada galkacyo ayaana lagu tiriyaa meelaha ugu badan ee ay yaalaan walxaha qarxa sida miinada iyo wixii la mid ah

 

 

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo “Maxaabiis kaliya ma ilaalineysaan ee hawlgallada xoreynta dalka ayaad ka qeyb qaadaneysaan”

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga “Waa fikrad wanaagsan in Ciidamadu ay isticmaalaan dalagyada ka soo go’a Dalka”

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga “Waa fikrad wanaagsan in Ciidamadu ay isticmaalaan dalagyada ka soo go’a Dalka”

Wasiirka Gaashaandhigga "Waa fikrad wanaagsan in Ciidamadu ay isticmaalaan dalagyada ka soo go’a Dalka”

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In