Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qarax carruur ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen oo ka dhacay Gaalkacyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 21, 2018
in Wararka
0
Caruurta Mudug oo la ildaran nafaqo darro iyo cudurro kale+Dhageyso warbixin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qaraxaan miino oo maanta si lama filaan ah uga dhacay duleedka dhanka Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray carruur tiradooda lagu sheegay 12, iyadoo  mid ka mid ah uu geeriyooday halka 11 kalana ay  dhaawacmeen kuwaasi oo haatan xaaladooda caafimaad lagu daweynayo qaar ka mid ah isbitaalada ku yaala Waqooyi Galkacyo.

Taliyaha saldhiga dhaxe ee ciidanka booliiska Galkacyo ee Dowlad Gobaleedka Puntland Axmed Maxamed Afrax (Taraafiko) oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan sida ay ku ogaan lahaayeen nuuca uu ahaa qaraxa dhacay.

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025

“Miinooyinka dhaca, mid ka mid ah ayaa maanta waxa uu ka dhacay Salaama 2, gaar ahaan meel waddada dhexdeeda ah, qaraxa waxaa ku dhaawacantay 11 ilmood iyo halka kii gacanta ku hayay uu dhintay, goobtii uu shilka ka dhacay waan tegnay, wax cad ah oo tilmaan ka bixin karno, ma soo helin, balse waxaan wadnaa baaritaan ku saabsan inay ahaayeen wax cusub ama wax  horey ugu jiray goobta”ayuu yiri Taliyaha.

Dhinaca kalana Agaasimaha Isbitaalka Guud ee Gobalka Mudug ee Puntland  Maxamed Xuseen Aadan ayaa warbaahinta uga waramay xaalada caafimaad iyo xadiga uu la egyahay dhaawac soo gaaray qaar ka mida carruurta oo lasoo gaarsiiyay isbitaalka.

“Waxaa dhacay shil aad iyo aad aan uga xunahay, oo ka dhacay xaafadaha banaankeeda, qaraxaas waxa uu geystay arruurta yar yar mid ka mid ah wuu geeriyooday, lix wax ay jiifaan Isbitaalka GMC lix kalena waxa ay jiifaan isbitaalka Guud ee Jaamacadda magaalada Gaalkacyo, labada mid ah carruurta isbitaalkeena jiifta labo carruur ah ayaa xaaladooda aad u liidata” ayuu yiri Agaasimaha.

Maahan markii u horeysay ee qarax ceynkaan oo kala ah uu ka dhaco magaalada galkacyo iyo daafaheeda isla markaana ay waxyeelo kasoo gaarto dad maati ah magaalada galkacyo ayaana lagu tiriyaa meelaha ugu badan ee ay yaalaan walxaha qarxa sida miinada iyo wixii la mid ah

 

 

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo “Maxaabiis kaliya ma ilaalineysaan ee hawlgallada xoreynta dalka ayaad ka qeyb qaadaneysaan”

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga “Waa fikrad wanaagsan in Ciidamadu ay isticmaalaan dalagyada ka soo go’a Dalka”

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga “Waa fikrad wanaagsan in Ciidamadu ay isticmaalaan dalagyada ka soo go’a Dalka”

Wasiirka Gaashaandhigga "Waa fikrad wanaagsan in Ciidamadu ay isticmaalaan dalagyada ka soo go’a Dalka”

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In