Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qarax weyn oo saaka Muqdisho ka dhacay

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Qarax weyn oo saaka Muqdisho ka dhacay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qarax gaari loo adeegsaday  ayaa saakay ka dhacay ilinka laga galo xerada Xalane oo ah  fadhiisanka ugu weyn ee AMISOM oo xeyndaab qura ay wada jiraan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Goob jooge la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in uu arkay gaari si xoog ah ku galay goob ciidanka wax ku baaraan (checkpoint) kadib uu xigay qarax weyn.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Qiiq madaw ayaa cirka ku isku shareerey qaraxa kadib, iyadoo inta badan dadka ku nool magaalada Muqdisho ay maqleen jugta qaraxaas.

Qaraxa ayaa ka dhacay waddada ka timaada degmada Wadajir ee soo gasha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halka loo yaqaano Madiina Gate.

Waxaa goobta gaaray ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya kuwaas oo xaqiijinaya amniga, iyadoo saraakiil uu kamid yahay taliyaha hey’adda nabadd sugidda janaraal C/laahi Gaafow Maxamuud iyo saraakiil kale ay halkaas ku sugan yihiin.

Ilaa iyo hadda ma jiro khasaare la soo wariyay oo qaraxaas ka dhacay, wararka qaar ayaa sheegaya in wali ay rasaas ka socoto meesha qaraxa uu saaka ka dhacay.

Wixii ku soo kordha warka la soco insha’alah.

Previous Post

Kuwait oo sheegtay in ay qaban doonto shir waxbarashada Soomaaliya looga hadli doono

Next Post

AMISOM: labo gaari ayaa lagu soo weeraray Xalane, waana laga hortagay

Next Post
AMISOM oo xaqiijisay in askarooda ay ku lug yeesheen iibinta qalabka loo keeno

AMISOM: labo gaari ayaa lagu soo weeraray Xalane, waana laga hortagay

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In