In ka badan lix kun oo Itoobiyaan ah ayaa gaaray dalka Suudaan si ay uga baxsadaan dagaalada ka socda gobolka Tigray-ga sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Suudaan.
Dowladda Suudaan ayaa filaysa in 200,000 oo Itoobiyaan ah ay soo gaaraan dhulkeeda maalmaha soo socda, maadaama dagaalku sii socdo.
Hay’adaha gargaarka oo diyaarinaya xero qaxooti oo la dejiyo dadka soo qaxaya ayaa ka digtay in dhibaato bini’aadanimo ka dhalato qalalaasaha ka socda Itoobiya.
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa hore u go’aamiyay in howlgal military laga fuliyo gobalka Tigrega si loosoo afjaro jabhadaha hubeysan ee mucaaradka ku ah dowladda.
Boqolaal qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen intii uu socday dagaalka, taas oo dhalisay cabsi laga qabo in dagaal sokeeye qarxo.
Mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya ayaa shegay in aysan wax wada-hadal la geli doonin dowlad deegaanka Tigerega, illaa ay ka baabi’iyaan dhammaan hubka militariga, siina daayaan saraakiisha federaalka ah ee ay xirteen.