Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qeybta Takhasusaadka sare (Master) ee jaamacadda SIMAD oo arday cusub qabatay-SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Qeybta Takhasusaadka sare (Master) ee jaamacadda SIMAD oo arday cusub qabatay-SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xarunta Daraasaadka Sare ee Jaamacadda SIMAD ayaa waxa ay maanta qabatay xaflad ay ku soo dhaweyneysay ardayda cusub ee dhawaan la diiwaan geliyay. Ardayda lasoo dhaweynayay ayaa isugu jiray dufcadii 9aad ee Darajada Sare ee Maamulka Ganacsiga (Master of Business Administration) iyo dufcadii 4aad ee Darajada Sare ee Maamulka Mashaaricda (Master of Project Management).

Waxaa ugu horeyn daah furay xaflada Dr. Cali Yaasiin Sheekh Cali, oo ah Agaasimaha Xarunta Daraasaadka Sare. Waxaa uu sheegay in ardayda ay kuso dhawaadaan fursadaan ay ku helayaan ayagoo dalkooda jooga. “Kusoo dhawaada fursad ay adkayd in sanado ka hor laga helo dalka. Maanta fursadaas waa dhab oo way idin hortaalaa. Kaliya waxa dhimman waa idinkoo la yimaada dadaal muuqda,” ayuu yiri Dr. Cali Yaasiin.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay Mustaf Maxamed Macalin Nuur oo matalayay ardayda horay uga baxday Xarunta CPS-ka. Waxaa uu sheegay in barnaamijkaan waxbarashada ee ay dalka keentay Jaamacadda SIMAD uu ka gudbay tijaabada, hadana uu ku jiro xiligii ay si buuxda ugu faa’iidaysan lahaayeen bahweynta waxbarashada. Waxaa uu yiri “Kaliya u diyaar garooba inaad waqti badan ku bixisaan howsha idin hortaalo. Maxaa yeelay barnaamijkaan waa mid xaqiiqsan oo la hubiyay.”

Waxaa gebagabadii xaflada ka hadlay Daahir Xassan Carab oo ah Gudoomiyaha Jaamacadda SIMAD. Waxaa uu sheegay in mar walba Jaamacadda SIMAD ay u taagan tahay inay buuxiso booska baahida mihnadeed ee dalkaan mar walba.  “SIMAD waxaa ay astaan mar walba u ahayd buuxinta baahida jirta markaas.” Sidaas waxaa yiri gudoomiyaha jaamacadda.

Xafladda waxaa lagu soo gebegabeeyay suaalo ay ardayda cusub waydiiyeen maamulka Xarunta Daraasaadka Sare iyo macalimiinta.

IMG_0007 IMG_0019 IMG_0034 IMG_0038 IMG_0039 IMG_0066 IMG_0084 IMG_0091

 

Xigasho: SIMAD University

Previous Post

Wasiirka Magacaaban Ee Difaaca Soomaaliya oo maanta soo gaaray magaalada muqdisho(SAWIRO)

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho 05 02 2015

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho 05 02 2015

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In