Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qeybtii Sedexaad Dhalinyaro ku xirneyd Xabsiyada Liibiya oo Muqdisho la keenay +Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Qeybtii Sedexaad Dhalinyaro ku xirneyd Xabsiyada Liibiya oo Muqdisho la keenay +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

January 10, 2026
Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

January 10, 2026

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho la keenay 13-Dhalinyaro ah oo ku xirneyd Xabsiyada Liibiya oo dowlada Soomaaliya ay suurta galisay in dalka lagu soo celiyo.

Safiirka Soomaaliya ee Midowyga Yurub Cali Saciid Faqi oo la socday Dhalinyaradan ayaa sheegay in Xabsiyada ay booqdeen ay kusoo arkeen Dhibaatooyinka lagu hayo Muhaajiriinta Soomaaliya, isagoona codsaday in Dhalinyaradan dalkooda dib loogu soo celiyay ay helaan Shaqo Abuur iyo Waxbarasho ay dalka iyo dadka wax ugu qabtaan

“Qeybta Sedexaad ee Muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysneyd Dalka Liibiya ayaan maanta keenay Magaalada Muqdisho, Dhalinyaradan ayaa dhibaatooyin kala duwan kala soo kulmay dalkaasi sida dil iyo Nolol aad u qaab daran oo Gaajo iyo Cuduro ay ugu darnaayeen, waxaan rajeyneynaa in Dhalinyarada loo abuuro dhaqaalo ay ku shaqeysan karaan ama inay helan waxbarasho dalka iyo dadka ay uga faa’iideyn karaan” ayuu yiri Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha Dibada Xukuumadda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud oo ka mid ahaa Masuuliyiinta Dhalinyaradan kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay Talaabo Guul ah ay qaaday Dowlada Soomaaliya, waxaana uu sheegay in arintan ay qeyb ka aheyd balanqaadyadii Madaxweyne Farmaajo intii uu ku jiray Ololaha Doorashada

“Waa markii Sedexaad oo Maxaabiis laga keeno dalka Liibiya, waana balanqaadkii dowladan Nabad iyo Nolol, waxaana arintaan fulinteeda ka qeyb qaatay Ururka Caalamiga ee IOM iyo UNHCR, waxaan sidoo kale aad ugu mahad celineynaa Safiirkeena Midowga Yurub Mr Fiqi, waxaan filayaa in qeyb ka mid Balanqaadkii Madaxweynaha intii uu ku jiray Ololaha doorashada uu fuliyay”ayuu yiri Ku Xigeenka Wasiirka arimaha dibada.

Qaar ka mid ah Dhalinyaradan dalka dib loogu soo celiyay oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka mahad celiyay sida Dowlada Soomaaliya ugu dadaashay in dalkooda hooyo ay dib ugu soo laabtaan, iyagoo ugu baaqay in Dhalinyarada Soomaaliyeed ay dalkooda dhistaan isla markaana ay iska daayaan Tahriibka.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa dhowr jeer oo hore  qaar kamida Dalalka Caalamka ay ka soo deysay dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xirnaa, waxaana Dalalkaas kamid ah Ethiopia, India, Jaziirada siishalis iyo Dalka Liibiya waxaana sidoo kale jira Qorshayaal kale oo Dowladdu wado kuwaas oo iyana lagu soo deynayo Dhalinyaro ku xiran Dalal kale oo Caalamka ah.

Previous Post

Wasiirka Dastuurka XFS iyo Wefdi uu horkacayo oo maanta gaaray Baydhabo

Next Post

Locals kill five Al-Shabaab militants in Hiiraan region

Next Post
Locals kill five Al-Shabaab militants in Hiiraan region

Locals kill five Al-Shabaab militants in Hiiraan region

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

January 10, 2026
0

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada Jeddah kulan ay kaga hadleen horumarrada...

The OIC, the State of Palestine join Somalia in condemning Israeli interference into its sovereignty and territorial integrity

The OIC, the State of Palestine join Somalia in condemning Israeli interference into its sovereignty and territorial integrity

January 10, 2026
0

The Council of Foreign Ministers of the Organization of Islamic Cooperation (OIC) held its 22nd extraordinary session today, Saturday, 10...

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Somalia FM Addresses OIC Meeting, Calls for Protection of Somalia’s Sovereignty

January 10, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, delivered a speech on Saturday evening at the...

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

January 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo khudbad ka jeediyay Shirka Wasiirrada Arrimaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In