Saturday, January 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

QM oo dowladaha Qadar iyo Imaaraat-ka ku ammaantay taakulaynta Falastiin

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
QM oo dowladaha Qadar iyo Imaaraat-ka ku ammaantay taakulaynta Falastiin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qaramada midoobay ayaa ugu mahadcelisay waddamada Qatar iyo Imaaraadka Carabta deeq lagaceed oo ay gaarsiiyeen shacabka reer Falastiin ee ku tabaalaysan Magaalada go’doonka ah ee Gaz.

Dowladda Qadar ayaa Talaadadii aynu kasoo gudubnay ugu deeqday Gaza $ 9 milyan oo doollar-ka Maraykanka ah, halka Imraatkuna uu ugu deeqay $ 2 milyan oo doollar, ka dib markii Qaramada Midoobay ay ka digtay dhibaatooyinka ba’an ee taagan Gaza.

Related posts

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

January 10, 2026
Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

January 10, 2026

Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladaha nololeed ee Magaalada Gaza iyo xayiraadda xagga shidaalka ee saaran Falastiiniyiinta ku nool halkaasi.

Bayaan kasoo baxay xafiiska Jimciyadda Qaramada midoobay u qaabbilsan Bini’aaddannimada ee UN-OCHA ayaa lagu sheegay in 10 maalmood gudahood xarumo shidaal lagaga hirgelin doono Gaza.

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabbilsan Bini’aaddannimada ee OCHA ayaa sheegay in si deg-deg ah loogu baahan yahay $ 6.5 milyan , si loo helo 7.7 milyan oo litir oo xarumo shidaal ah , kuwaasoo laga higelinayo Magaalada Gaza Sanadkan gudahiisa, taasoo qayb ka ah soo nooleynta adeegyadii burburay.

Gudoomiyaha guddiga dib-u-dhiska Gaza ayaa ku dhawaaqay in Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani uu amray in gargaar degdeg ah uu u diro Gaza, kaas oo qiimihiisu yahay $ 9 milyan oo Dollar.

Dowladda Qatar ayaa Sanadihii ugu dambeeyay ka wadday Magaalada Gaza mashaariic badan oo dib-u-dhis ah, iyadoo halkaasi ka hirgelisay Waddooyin iyo Isbitaallo.

SONNA

Previous Post

Ergo ka socota W/Kuuriya oo loo ogolaaday ka qeybgalka Ciyaaraha Olympikada oo ay martigelinayso K/kuuriya

Next Post

Dibadbax lagu taageerayay nabadda oo ka dhacay Cabuudwaaq+Sawirro

Next Post
Dibadbax lagu taageerayay nabadda oo ka dhacay Cabuudwaaq+Sawirro

Dibadbax lagu taageerayay nabadda oo ka dhacay Cabuudwaaq+Sawirro

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

January 10, 2026
0

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada Jeddah kulan ay kaga hadleen horumarrada...

The OIC, the State of Palestine join Somalia in condemning Israeli interference into its sovereignty and territorial integrity

The OIC, the State of Palestine join Somalia in condemning Israeli interference into its sovereignty and territorial integrity

January 10, 2026
0

The Council of Foreign Ministers of the Organization of Islamic Cooperation (OIC) held its 22nd extraordinary session today, Saturday, 10...

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Somalia FM Addresses OIC Meeting, Calls for Protection of Somalia’s Sovereignty

January 10, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, delivered a speech on Saturday evening at the...

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

January 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo khudbad ka jeediyay Shirka Wasiirrada Arrimaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In