Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

QM oo Fatahaadaha Soomaaliya Ku Bixin Doonta US$9.26 oo Milyan

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
QM oo Fatahaadaha Soomaaliya Ku Bixin Doonta US$9.26 oo Milyan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska isku dubaridka gargaarka bani aadanimada QM ee Soomaaliya UNOCHA ayaa lagu sheegay in Sanduuqa gargaarka bani aadanimada QM ee Soomaaliya uu heley US$9.26 million lagu caawin doono ku dhowaad 300,000 oo kamid ah dadka ay saameeyeen fatahaadaha Soomaaliya.

Deeqdan muhiimka ah ayaa qeyb  ka ah dhaqaalaha Sanduuqa ugu talagalay Soomaaliya sanadkan 2020.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Deeqdan waxaa la sii marin doonaa hey’addaha gudaha iyo kuwo dibadda ee ka howlgala gobolada Banaadir, Hiiraan, Jubadda Hoose, Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe iyadoo loo kala eegi doono sida baahida ugu kala badan tahay degaanada.

“Deeqda ka timid Sanduuqa QM waxay hey’adaha gargaarka awood u siin doontaa in ay kordhiyaan barnaamijyada naf-badbaadinta ah gaar ahaan dadka sida daran u saameysay fatahaadaha ka dhacay dalka,” sidaas waxaa yiri Mr. Adam Abdelmoula, oo ah isu duwaha gargaarka bani aadanimada Soomaaliya.

$8.18 milyan oo lacagtaas kamid ah waxaa loo qoondeeyay in lagu bixiyo; cuntada, Hoyga, xarumaha caafimaadka, biyaha, nadaafadda iyo fayadhowrka, sidoo kale waxaa lagu xoojin doonaa daryeelka carruurta iyo ka hor tagga xadgudubka dumarka lagula kaco.

Iyadoo $1.08 million oo ah inta soo hartay ah, lagu qaban doono; caafimaadka iyo nafaqeynta dhallaanka, waxbarashada iyo ilaalinta carruurta.

“Durba, bulshooyinka liita oo isbedelka cimilada, Ayaxa iyo safmarka COVID-19 uu saameeyay waxay wajahayaan cunto iyo biyo la’aan, sidoo kalena waxay khatar ugu jiraan cudurada faafa sida shuban biyoodka iyo daacuunka,” Mr Abdelmoula ayuu mar kale yiri.

Sanduuqa gargaarka bani aadanimada QM ee Soomaaliya ayaa $40.2 million ka heley dalalka; Australia, Canada, Denmark, Germany, Ireland, Kuuriyada Koofureed, Luxembourg, Netherlands, Norway, Sweden iyo Switzerland.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska isku dubaridka gargaarka QM ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xilli roobaadka deyrta oo ka bilowday gobolada dalka qaarkood sida degaanada Puntland iyo gobolada Hiiraan, Bakool iyo Galgaduud.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble: Culimada Soomaaliyeed waa inay xoojiyaan la dagaalanka fikirka Xagjirka

Next Post

Madaxweynihii Kyrgyzstan oo iscasilay ka dib todobaadyo deganaansho la’aan ah

Next Post
Madaxweynihii Kyrgyzstan oo iscasilay ka dib todobaadyo deganaansho la’aan ah

Madaxweynihii Kyrgyzstan oo iscasilay ka dib todobaadyo deganaansho la’aan ah

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In