Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

QM oo Fatahaadaha Soomaaliya Ku Bixin Doonta US$9.26 oo Milyan

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
QM oo Fatahaadaha Soomaaliya Ku Bixin Doonta US$9.26 oo Milyan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska isku dubaridka gargaarka bani aadanimada QM ee Soomaaliya UNOCHA ayaa lagu sheegay in Sanduuqa gargaarka bani aadanimada QM ee Soomaaliya uu heley US$9.26 million lagu caawin doono ku dhowaad 300,000 oo kamid ah dadka ay saameeyeen fatahaadaha Soomaaliya.

Deeqdan muhiimka ah ayaa qeybย  ka ah dhaqaalaha Sanduuqa ugu talagalay Soomaaliya sanadkan 2020.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Deeqdan waxaa la sii marin doonaa heyโ€™addaha gudaha iyo kuwo dibadda ee ka howlgala gobolada Banaadir, Hiiraan, Jubadda Hoose, Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe iyadoo loo kala eegi doono sida baahida ugu kala badan tahay degaanada.

โ€œDeeqda ka timid Sanduuqa QM waxay heyโ€™adaha gargaarka awood u siin doontaa in ay kordhiyaan barnaamijyada naf-badbaadinta ah gaar ahaan dadka sida daran u saameysay fatahaadaha ka dhacay dalka,โ€ sidaas waxaa yiri Mr. Adam Abdelmoula, oo ah isu duwaha gargaarka bani aadanimada Soomaaliya.

$8.18 milyan oo lacagtaas kamid ah waxaa loo qoondeeyay in lagu bixiyo; cuntada, Hoyga, xarumaha caafimaadka, biyaha, nadaafadda iyo fayadhowrka, sidoo kale waxaa lagu xoojin doonaa daryeelka carruurta iyo ka hor tagga xadgudubka dumarka lagula kaco.

Iyadoo $1.08 million oo ah inta soo hartay ah, lagu qaban doono; caafimaadka iyo nafaqeynta dhallaanka, waxbarashada iyo ilaalinta carruurta.

โ€œDurba, bulshooyinka liita oo isbedelka cimilada, Ayaxa iyo safmarka COVID-19 uu saameeyay waxay wajahayaan cunto iyo biyo laโ€™aan, sidoo kalena waxay khatar ugu jiraan cudurada faafa sida shuban biyoodka iyo daacuunka,โ€ Mr Abdelmoula ayuu mar kale yiri.

Sanduuqa gargaarka bani aadanimada QM ee Soomaaliya ayaa $40.2 million ka heley dalalka; Australia, Canada, Denmark, Germany, Ireland, Kuuriyada Koofureed, Luxembourg, Netherlands, Norway, Sweden iyo Switzerland.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska isku dubaridka gargaarka QM ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xilli roobaadka deyrta oo ka bilowday gobolada dalka qaarkood sida degaanada Puntland iyo gobolada Hiiraan, Bakool iyo Galgaduud.

Previous Post

Raโ€™iisul Wasaare Rooble: Culimada Soomaaliyeed waa inay xoojiyaan la dagaalanka fikirka Xagjirka

Next Post

Madaxweynihii Kyrgyzstan oo iscasilay ka dib todobaadyo deganaansho laโ€™aan ah

Next Post
Madaxweynihii Kyrgyzstan oo iscasilay ka dib todobaadyo deganaansho laโ€™aan ah

Madaxweynihii Kyrgyzstan oo iscasilay ka dib todobaadyo deganaansho laโ€™aan ah

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In