ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha bini’aadantinimada iyo isku duwaha gargaarka degdega ah, Martin Griffiths, ayaa ka digay in laba milyan oo carruur ah oo ku nool Bariga Afrika ay qarka u saaran yihiin in ay u dhintaan gaajo ay sababeen abaaraha ka jira gobolka.
Mr Griffiths oo ka hadlay shir ay yeesheen deeq-bixiyayaasha oo lacag lagu ururinayey ayaa sheegay in Geeska Afrika ay soo food saartay dhibaatoyin dhanka nolosha ah ,isagoo intaa raaciyay in dadka gobolka ay dhibanayaal u noqdeen gaajo aad u daran oo ay dhaliyeen isbadalka cimilada.
“Soomaaliya, 350,000 oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shanta sano ayaa halis ugu jira inay u dhintaan nafaqo-xumo iyo cudurro, malaayiin qofna waxaa soo food saartay gaajo ka dib saddex xilli oo la waayey roobabkii “ayuu yiri ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha bini’aadantinimada iyo isku duwaha gargaarka degdega ah .
UK ayaa ku dhawaaqday in ay Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan 25-milyan oo Giniga Istarliinka ah, intii uu socday shirkii looga hadlayay abaaraha oo ay martigaliyeen Midowga Yurub iyo xafiiska arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay, kaasoo lagu ururiyay lacag dhan £1.1 bilyan.
Abaaraha ka jira geeska Afrika ayaa la sheegay in ay sii daba dheeraadeen,waxaana laga cabsi abaa in ay dhacdo mid la mid ah abaartii 2011-kii ee ku dhufatay gobolka,taas oo ay ku dhinteen dad gaaraya rubuc milyan oo kala bar ay ahaayeen carruur.