Saturday, May 28, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

QM oo ka digtay xaalad nafaqa darro oo kusoo wajahan 1.25 Milyan oo Carruurta Soomaaliyeed ah

June 9, 2018
in Wararka
0
QM oo ka digtay xaalad nafaqa darro oo kusoo wajahan 1.25 Milyan oo Carruurta Soomaaliyeed ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

May 28, 2022
Ergeyga gaarka ah ee arrimaha Gurmadka Abaaraha oo la kulmay Danjire Kate Foster

Ergeyga gaarka ah ee arrimaha Gurmadka Abaaraha oo la kulmay Danjire Kate Foster

May 28, 2022
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan dhallaanka ee UNICEF ayaa ka digtay in Carruur kor u dhaafaysa 1.25 Milyan oo Soomaali ah ay halis ugu jiraan nafaqo-darro ba’an Sannadkan, sababto la xiriira fatahaadahii ka dhacay Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu Magacaabo, Stephane Dujarric , oo Jimcihii Shalay saxaafadda siinayay warbixinta joogtada ah ee daadadka tan iyo Bishii April ee Sanadkan ayaa sheegay inay jirto halis nafaqa darro.

Waxa uu sidoo kale sheegay in hay’addu ay ogaatay in kala bar Caruurta ay da’doodu ka yar tahay Shan jir oo ah in ka badan 1,25 Milyan ay wajahayaan Sanadkan xaalad nafaqo darro, waxaana Dadkaasi ka mid ah, 232,000 Carruur ah oo ay hayso nafaqo-xumo ba’an, kuwaas oo u baahan daryeel gaar ah.

Goobihii ay ka dhaceen daadadka ayaa laga baqdin qabaa inay ka dillaacaan cudurrada halista ah sida Jadeecada, Shuban Biyoodka iyo Daacuunka , kuwaas oo meelaha qaarba laga helay kiisaskooda balse lala tacaalay.

Daadadka ka dhacay Soomaaliya ayaa waxyeeleeyay xarumahii fayadhowrka, 22 xarun oo lagu nafaqaynayay 6,000 oo Carruur barakacayaal ah, iyagoo sababay inay xirmaan goobo badan oo lagu nafaqaynayay dhallaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa hoggaaminaysa barnaamijka lagu gargaarayo Dadka ay waxyeellada kasoo gaadhay fatahaaddu, Waxanay Wasaaradda Caafimaadka geysay Dawo loogu tala galay in wax lagaga qabto Cudurrada ka dillaaca goobaha ay ka dhacaeen fatahaadda iyo daadadka.

Previous Post

Madaxa siyaasadda Midowga Yurub oo joojisay booqasho ay ku tegi lahayd Israa’iil

Next Post

In kabadan 60 saraakiil Soomaali ah oo tababar ugu soo geba geboobow Dalka Turkiga+sawirro

Next Post
In kabadan 60 saraakiil Soomaali ah oo tababar ugu soo geba geboobow Dalka Turkiga+sawirro

In kabadan 60 saraakiil Soomaali ah oo tababar ugu soo geba geboobow Dalka Turkiga+sawirro

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

May 28, 2022
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Safiirka dowladda Qatar u...

Ergeyga gaarka ah ee arrimaha Gurmadka Abaaraha oo la kulmay Danjire Kate Foster

Ergeyga gaarka ah ee arrimaha Gurmadka Abaaraha oo la kulmay Danjire Kate Foster

May 28, 2022
0

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan la...

Ergayga gaarka ah ee arrimaha Gurmadka Abaarah oo kulan la qaatay James Swen

Ergayga gaarka ah ee arrimaha Gurmadka Abaarah oo kulan la qaatay James Swen

May 28, 2022
0

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la...

Ergeyga gaarka ee arrimaha Gurmadka Abaaraha oo kulan la qaatay Wasiirka Qorshaynta Qaranka

Ergeyga gaarka ee arrimaha Gurmadka Abaaraha oo kulan la qaatay Wasiirka Qorshaynta Qaranka

May 28, 2022
0

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa maanta arrimo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In