Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

QM oo si kulul u cambaareysay tacadiyada Israel ay ku hayso Falastiin

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
QM oo si kulul u cambaareysay tacadiyada Israel ay ku hayso Falastiin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

March 31, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026

 Shir ay ku yeesheen magaalada Newyorka Golaha Guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayay ku cambaareeyeen tacadiyada iyo gabood falka askarta Yuhuuda ay ku hayaan Muslimiinta reer Falastiin.

Qaraarka oo ay so jeediyeen dowladaha Islaamka oo ay ugu horeeyaan Turkey iyo Algeria ayaa waxaa ogolaatay 120 dal,8 ayaa ka soo horjeestay,waxaana ka maqnaa 45 dowladood.

Danjiraah Mareykanka ee QM Nikki haley ayaa ka soo horjeestay go’aankaasi iyadoo muujisay sida dowladda Mareykanka ay u barbartaagan tahay Israel,waxaana ay tilmaantay in uu yahay mid hal dhinac ah.

Balse Danjiraah Turkiga ee QM iyo diblomaasiyiin badan ayaa difaacay qaraarkaasi,iyagoo ku tilmamaay mid sax ah oo caalamka uu ku muujinayo in ay ka go’antahay in la difaaco shacabka Falastiin.

Dowladaha taageeray aragtida Mareykanka waxaa kamid ah Australia,dalka Jasiiradda Marshall,Micronesia, Nauru, Jasiiradda Solmon iyo dalka Togo,waxana kamid ah wadamada ka maqnaa Britain,Poland iyo dalal kale oo ka tirsan midowga Yurub.

Sidoo kale waxaa taageerayaasha go’aankaasi kamid ah qaar kamid ah dowladaha reer Galbeedka sida Faransiiska,Ruushka,Shiinaha iyo 12 dal kale oo kamid ah Yurub.

Boqolaal shacabka reer Falstiin ayaa ku geeriyootay duqeymaha iyo weerarada Israel ee ka dhanka ah dhulka Falastiin,taasi oo keentay qeylo dhaanta ka imaanaysa dowladah caalamka.

Mareykanka ayaa doonayaa in eedeynta dusha laga saaro Ururka Xamaas ee Falastiin,balse waxaa ka soo horjeestay arrintaasi dowladaha caalamka intoodi badan.

W/Tarjumay(Cali C/qaadir Cali)

Previous Post

Taliye Gorod”Howlgalku wuu socon doonaa ilaa laga ciribtiro argagixisada Alshabaab”+sawirro

Next Post

Qaabkee loo bixiyaa Sakaatul-fitriga? (MAQAAL)

Next Post
Qaabkee loo bixiyaa Sakaatul-fitriga? (MAQAAL)

Qaabkee loo bixiyaa Sakaatul-fitriga? (MAQAAL)

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

March 31, 2026
0

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa caawa 06:00 PM ciyaar adag oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta barnaamijka “Daaci...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In