Friday, July 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliye Gorod”Howlgalku wuu socon doonaa ilaa laga ciribtiro argagixisada Alshabaab”+sawirro

admin by admin
June 14, 2018
in Wararka
0
Taliye Gorod”Howlgalku wuu socon doonaa ilaa laga ciribtiro argagixisada Alshabaab”+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025

Wixii ka dambeeyey howlgalkii ballaarnaaa oo ciidanka Xooga Dalka ay ka fuliyeen dhawaan deegaanada dhaca Waqooyiga magaalo Xeebeedka Kismaayo ayaa sii kordhayay dhaqdhaqaaqyada ay ciidamadu ku doonayaan in maleeshiyaadka shabaab laga ciribtiro guud ahaan deegaanadaasi,kadib dhiirogelin ay ka heleen mas’uuliyiinta iyo saraakiisha dowladda.

Ciidamada ayaa ujeheysan haatan deegaano horleh oo kuyaala Jubooyiinka,si kooxaha argagixisada Alshabaab ay uga saaraan guud ahaan deeganada ay ku dhuumaalauysanayaan koxda Alshabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sareeye Gaas C/wali Jaamac Xuseen Gorod iyo wafdi saraakiil oo uu hoggaaminayo oo tagay deegaanka Bar Sanguuni oo ay ciidanka  Xoogga dalka ka xoreeyeen kooxda argagixisada ah ee Alshabaab ayaa sheegay in ciidanku aanay dib uga soo laaban doonin deegaanadii ay qabsadeen,balse ay sii socon doonaan.

”Waxaan taagan nahay Baar Sanguuni oo ah jiida hore, waxaan aad ugu faraxsanahay inaan goobtan nimaadno oo ciidamada kusoo booqanno, si aan u ogaano guulaha ay gaareen iyo baahiyahooda, waxaan uga tacsiyeyneynaa ehelada ciidankii halkan ku dhintey iyo dalalkii ay ka dhinteen, kuwa dhaawacmay waxaan u rajeynayaa inuu illaahay caafimaad siiyo.

Shirka jaraa’id ee uu Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ku qabtay deegaanka Baar Sanguuni kaddib wuxuu kormeeray goobaha kala duwan oo ay ciidanku ku sugan yihiin iyo dhammaan deegaanka, wuxuuna sheegay dadaalada hadda socda inay sii xoojin doonaan isla markasna dhowaan dalka laga sifeyn doono kooxda UGUS.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay inaysan sidaan uga tageyn ciidanka xoogga  ee ku sugan deegaanka si dadaalada dalka looga xoraynayo cadowga shacabka loosii xoojiyo, waxa kale uu sheegay dowladda Federaalka iney ilgaar ah ku fiirin doonaan ciidankan, maadama daruufo kala duwan laga soo sheegay.

S/Gaas C/weli Jaamac Gorod Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay inay ku dadaali doonaan sidii loo mideyn lahaa ciidanka SNA iyo kuwa Jubbaland isla markasna loo qalabeyn doono hal qaab, sidoo kale wuxuu hambalyo u diray ciidanka jiida hore ku sugan oo xilli kasta shacabka ka difaaca kooxda UGUS.

Sidoo kale taliye Gorod ayaa sheegay deegaankan iyo kuwa kasii shisheeya iney ciidanka dalka gaari doonaan, Taliyaha ayaa u mahad celiyay ciidamada kale ee dowladda ku garab siinaya dagaalka kooxda UGUS.

Ugu danbeyntii Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha mamulka Jubbaland Axmed Madoobe, waxayna ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid tahay guulaha ciidanku kasoo hoyeen weerarada kooxda UGUS lagu qaaday, waxayna isla meel dhigeen in howlgalada noocaan oo kale ah lasii xoojiyo inta deegaanada Jubbooyin laga ciribtirayo.

Previous Post

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo si rasmi ah u soo xiray tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Next Post

QM oo si kulul u cambaareysay tacadiyada Israel ay ku hayso Falastiin

Next Post
QM oo si kulul u cambaareysay tacadiyada Israel ay ku hayso Falastiin

QM oo si kulul u cambaareysay tacadiyada Israel ay ku hayso Falastiin

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Turkiga Soomaaliya u jooga Mudane Alper...

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025
0

Maxamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Guutada 23-aad...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay abaarta ka jirta Gobalka Awdal

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle “Xaalada abaarta gobolka Awdal si gaar ah ayaa ula socnay, waxaana ka dowlad...

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In