Thursday, February 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qodobo muhiim ah oo looga hadlay shirka golaha Wasiirada Jubaland “SAWIRRO”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Qodobo muhiim ah oo looga hadlay shirka golaha Wasiirada Jubaland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne  ku-xigeenka labaad ee Jubbaland Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka golaha wasiirada Jubbaland kaas oo maanta looga hadlayey ajandayaal dhowr ah oo ay kamid ahaayeen arrimaha Amaanka, Siyaasada, Maareeynta qashinka, iyo qodoba kale.

Waxaa ugu horreeyntii kulanka golaha wasiirada ka hadlay oo kawar bixiyey xaalada Amniga ee guud ahaan deegaanada Jubbaland iyo waxyaabihii ka cusbaa todobaadkii lasoo dhaafay Wasiirka Amniga Jubbaland Mudane Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal waxa uu sheegay in Jubbaland wado dadaalo kala duwan oo lagu sugayo Amaanka, gaar ahaan sugidda doorashooyinka oo meel wanaagsan ay marayaan.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan mira-dhal ah la qaatay hoggaanka Ururrada siyaasadda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan mira-dhal ah la qaatay hoggaanka Ururrada siyaasadda

February 26, 2026
Madaxweynaha Galmudug oo guddoomiyey shir ka golaha Wasiirada

Madaxweynaha Galmudug oo guddoomiyey shir ka golaha Wasiirada

February 26, 2026

Inta uu socday shirka golaha wasiirada Jubbaland waxaa guddiyo loo saaray labo arrimood oo ay si weyn uga doodeen golaha, kuwaas oo kala ahaa, Joojinta xaalufinta kaluumeysiga sharci darrada ah iyo Kahor tagga Bacaha iyo qashinka si dib loogu soo celiyo Bilicda Deegaanka.

Arrimaha abaaraha iyo Biyo yarida ka jirta deegaanka ayaa waxaa ka warbixiyey Wasiirka Biyaha iyo Tamarta Jubbaland Mudane Axmed Xuseen Baraki,isagoo sheegay in deegaanka ay wali ka jirto abaar daran waxa uu sheegay in Jubbaland ay wado biyo dhaamin iyo gurmadyo kale duwan oo lagula tacaalayo xaaladaha ka dhashay abaaraha.

Previous Post

Golaha wasiirada Koofur Galbeed oo maanta ansixiyay miisaaniyada 2022 +Sawirro

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda IGAD “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda IGAD “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda IGAD "SAWIRRO"

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan mira-dhal ah la qaatay hoggaanka Ururrada siyaasadda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan mira-dhal ah la qaatay hoggaanka Ururrada siyaasadda

February 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay hoggaanka ururrada siyaasadda ee...

Madaxweynaha Galmudug oo guddoomiyey shir ka golaha Wasiirada

Madaxweynaha Galmudug oo guddoomiyey shir ka golaha Wasiirada

February 26, 2026
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada, iyadoo uu goobjoog ahaa Madaxweyne ku...

Xildhibaannada labada Aqal ee BJFS oo ka dooday Cutubyada 12-aad iyo 13-aad ee Dastuurka

Xildhibaannada labada Aqal ee BJFS oo ka dooday Cutubyada 12-aad iyo 13-aad ee Dastuurka

February 26, 2026
0

Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 23-aad ee...

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo kormeeray dib u dhiska waddooyinka Dhuusamareeb

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo kormeeray dib u dhiska waddooyinka Dhuusamareeb

February 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf , oo ay wehliyaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In