Wednesday, October 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qodobo muhiim ah oo looga hadlay shirka golaha Wasiirada Jubaland “SAWIRRO”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
5 years ago
in Wararka
0
Qodobo muhiim ah oo looga hadlay shirka golaha Wasiirada Jubaland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne  ku-xigeenka labaad ee Jubbaland Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka golaha wasiirada Jubbaland kaas oo maanta looga hadlayey ajandayaal dhowr ah oo ay kamid ahaayeen arrimaha Amaanka, Siyaasada, Maareeynta qashinka, iyo qodoba kale.

Waxaa ugu horreeyntii kulanka golaha wasiirada ka hadlay oo kawar bixiyey xaalada Amniga ee guud ahaan deegaanada Jubbaland iyo waxyaabihii ka cusbaa todobaadkii lasoo dhaafay Wasiirka Amniga Jubbaland Mudane Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal waxa uu sheegay in Jubbaland wado dadaalo kala duwan oo lagu sugayo Amaanka, gaar ahaan sugidda doorashooyinka oo meel wanaagsan ay marayaan.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Inta uu socday shirka golaha wasiirada Jubbaland waxaa guddiyo loo saaray labo arrimood oo ay si weyn uga doodeen golaha, kuwaas oo kala ahaa, Joojinta xaalufinta kaluumeysiga sharci darrada ah iyo Kahor tagga Bacaha iyo qashinka si dib loogu soo celiyo Bilicda Deegaanka.

Arrimaha abaaraha iyo Biyo yarida ka jirta deegaanka ayaa waxaa ka warbixiyey Wasiirka Biyaha iyo Tamarta Jubbaland Mudane Axmed Xuseen Baraki,isagoo sheegay in deegaanka ay wali ka jirto abaar daran waxa uu sheegay in Jubbaland ay wado biyo dhaamin iyo gurmadyo kale duwan oo lagula tacaalayo xaaladaha ka dhashay abaaraha.

Previous Post

Golaha wasiirada Koofur Galbeed oo maanta ansixiyay miisaaniyada 2022 +Sawirro

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda IGAD “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda IGAD “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda IGAD "SAWIRRO"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In