Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qoraaga Soomaaliyeed ee Cabdicasis Cali Ibraahin oo Nairobi Ku Soo Bandhigay Buug uu Magac Daray (DAL AAN DADKIISU DAMQASHO LAHAYN)“Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qoraaga Soomaaliyeed ee Cabdicasis Cali Ibraahin ( Xildhibaan ) ayaa Maanta magaalada Nairobi ku soo bandhigay buug cusub oo uu ugu magac daray ( DAL AAN DADKIISU DAMQASHO LAHAYN ),waxana qoraagu uu gudoonsiiyey nuqulkii ugu horeeyey ee buugan danjiraha dowladda soomaaliya u fadhiya dalka kenya Amb Maxamed Cali Nuur Americo,isagoo dhanka kala mahadnaq balaaran u soo jeediyey Safaarada Soomaliyeed ee dalka kenya oo qeyb lixaad leh ka qaadatay daabacaada buuggan .

“Buuggan ayaa waxa uu kulminayaa dhamaanba shirarkii dib u hishiisiinta ee dhacay xiligii burburka, ergooyinkii ka qeybgalay iyo dhammaan go’aamadii ka soo baxay shirarkaasi”.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Danjiraha dowlada Soomaaliya u fadhiya dalkani Kenya Amb Maxamed Cali Nuur Americo oo la hadlayey warbaahinta qaranka ayaa qoraaga uga mahadceliyey gudoonsiinta buuggan, isagoo ugu baaqay bulshada soomaaliyeed inay dhiiri galiyaan qoritaanka taariikhaha dhaxal galka ah ee ummada soomaaliyeed .

Buuggan Loogu Magacdaray ( DAL AAN DADKIISU DAMQASHO LAHAYN ) ayaa waxa uu xanbaarsan yahay taariikh muhiim ah oo tusineysa jiilka soo socda dadaaladii lixaadka lahaa ee loo soo galay sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafyadii siyaasadeed ee ka jiray dalka soomaaliya .

Waxaana buuggan uu noqonayaa  buuggii 8-aad ee ku qoran luuqada soomaaliga ee uu soo bandhigo qoraaga Cabdicasiis Cali ibraahin ( Xildhibaan ) oo ah qoraa soomaaliyeed oo saldhigiisu yahay dalka ingiriiska .

IMG_2750 IMG_2752 IMG_2756 IMG_2760 IMG_2761 IMG_2766 IMG_2769 IMG_2770

Sawir qaade:-Cabdirahman Cumar Cabdi ( Somali)

Previous Post

Dhageyso barnaamijka Bandhigga wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post

Danjire Cali Americo oo Safaarada Soomaaliya ee Kenya ku Qaabilay Dhigiisa Dalka Angola “Sawirro”

Next Post

Danjire Cali Americo oo Safaarada Soomaaliya ee Kenya ku Qaabilay Dhigiisa Dalka Angola “Sawirro”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In