Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hooyo Miski Abukar: Isagana wuxuu ku xiran yahay Sacudiga, aabahiisna wuxu nooga dhintay Qaraxii Zope

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxamed Muxudiin Axmed waa 23 jir Maxkamad Sacudiga ku taala ku xukuntay 10-sano oo xariga, waxa  uu aabihiis ku waayey qarixii musiibada ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho 14-tii October, 2017

 

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Qoyska wiilkan oo la soo xiriiray Wakaalada SONNA ayaa ka codsaday in dawladda Soomaaliya in wiilkooda looga soo daayo xabsiga uu ku jira oo ay sheegeen in uu xabsi wakhti dheer, kuna xanuusanayo.

Miski Abukar Qoryoley, waa hooyada Maxamed waxa ay sheegtay in wiilkeeda uu xiran yahay muddo ku dhaw laba sano, in taleefan ay isku maqlaan mooyee, aysan xabsiga ku booqan sababa la xiriira sharciyada deganaanshaha ay haystaan oo kala duwan awgeed.

“Waxan dawladda Soomaliya ka codsanayaa in ay naga caawiso soo deynta wiilkayga oo iga xiran, aanan arki Karin, dhib ayuu qabaa, markii ay su’aalaha weydiinayeen ee la xirayey bay xubnaha taranka jug ka gaartay, taas iney ku soo kacdo buu taleefan iigu sheegaa, aabihiisna wuxuu iiga dhintay Qaraxii Zope Muqdisho”, Miski ayaa sidaa tiri.

Miska ayaa intaa raacisay in  wiilkeeda carruur uu dhalay oo Sacudiga ku noolaa ay Soomaaliya u soo dirtay ayna soo raacisay tarxiilka, maadaama aysan awoodin maareynta noloshooda halkaasi.

“Wiilkayga wuxuu ahaa mid ku filan maareynta qoyskiisa, wuxuna sidoo kale caawin jiray aabihiis iyo ayeeyadiisa oo Xamar ku nool, balse hadda xaalka wuu nagu xun yahay waxaan noo dheer wel-wel xabsigaas dheer iyo in uu u xiran yahay denbi uusan isaga lahayn”,

Ayeeyada Wiilka, Xabiibo Aadan Macalin ayaa sheegtay in wiilkan aabihiis Muxudiin Axmed Faarax ay ku waysan Musiibadii sannadkii hore, curudkiisa uu Maxamed yahay isna ka xiran, waxaana codsatay in mar uun xabsiga looga soo daayo.

“ Maxamed 8-kale oo carruur ah ayaa la dhalatay oo uu isaga u weynaa, aabahoodna wuu dhintay, inaan iga wax taree, aniga u baahan daryeel, waayeel baan ahan, waxa kaliya aan fiirsanayey waxa uu ahaa carruurtan aabahood oo uu Maxamed kamid yahay”, Xabiibo ayaa sidaa tiri.

Sacudiga ayaa kamida meelaha ay Soomaali badan lagu xiro, lagana soo tarxiilo, balse Soomaalida jeceshahay in ay u shaqo tagaan, waxaana xusid mudan in dawladda Soomaaliya  u guntay sii deynta maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xirnaa dalalka India, Libya, Seychelles, Ethiopia, Kenya, iyo Tanzania oo u dambeysay.

W/D: Maxamed Cisman Cabdi ‘Black Cobra’ 

Previous Post

Itoobiya oo dib u soo celineysa qaar ka mid ah muwaadiniinteeda ku baahsan caalamka

Next Post

Wasaaradda Gaadiidka XFS oo qorsheyneysa dib u dhiska garoomada diyaaradaha dalka

Next Post
Wasiir Oomaar oo beeniyay in loo xeray musuq maasuq “Dhegeyso”

Wasaaradda Gaadiidka XFS oo qorsheyneysa dib u dhiska garoomada diyaaradaha dalka

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In