Sunday, January 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qoysas barakacayaal ah oo lagu wareejiyay guryo loo dhisay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Qoysas barakacayaal ah oo lagu wareejiyay guryo loo dhisay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Galmudug ayaa maanta ku wareejiday warqaddaha lahaanshaha dhulka Boqol qoys oo dib udajin loogu sameeyay Gaalkacyo

Boqol qoys oo ah qeybtii u horeysay ee barnaamijka xalka waara ee dib udajinta barakacayaasha ayaa maanta lagu wareejiyay dukumiintiyada lahaanshaha milkiyadeed ee boqolka guri oo ay maalgalisay Hay”adda UNHCR

Related posts

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

January 18, 2026
Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

January 18, 2026

Hay’adda Barakacayaasha iyo qaxootiga Galmudug oo ay wehliyeen Wasiiru-dowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha Galmudug Cumar Maxamed Diiriye Gudoomiyaha Gobalka Mudug Cabdinaasir Cabdulqaadir Cabdille, Maayar ku xigeenka Dagmada Gaalkacyo Maxamed Cabdi Cilmi ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejisay warqadaha lahaanshaha dhulka iyo guryaha la siiyay barakacayaasha.

Maayar ku xigeenka dagmada Gaalkacyo Maxamed Cabdi Cilmi ayaa sheegay in boqolka qoys ee la dajiyay kana faa’iideeystay barnaamijka xalka waara ee barakacayaasha Galmudug ay yihiin qoysaskii ugu liiitay kumanaan kun oo barakacayaal ah oo ku nool Gaalkacyo isagoo uga Mahad celiyay Hay’adda UNHCR iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha Galmudug

Cabdulqaadir Maxamed Sabriye madaxa Hay”adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Galmudug ayaa isna sheegay in baahida barakacayaasha Gaalkacyo aysan dabooli karin boqol guri maadaama ay jiraan qoysas badan oo iyagana u baahan hooy iyo meel ay ku noolaadaan ayna ka codsanayaan Hay”addaha Caalamiga ah in ka badan kuwa haatan dib u dajinta loo sameeyay in ay ka caawiyaan

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha Galmudug Cumar Maxamed Diiriye oo la hadlay qoysaskii maanta lagu wareejiyay warqadaha lahaanshaha dhulka iyo guryaha ayaa kula dardaarmay in ay ugu dhaqmaan sida loogu talagalay, waxaana sidoo kale uu sheegay in aan la iibsan karin lana kireysan karin

 








Previous Post

Madaxweynaha JFS oo tababar usoo xiray Cutubyo ka mid noqonaya Guutada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Bashiir Kacaan

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Bashiir Kacaan

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Bashiir Kacaan

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

January 18, 2026
0

Xaaladda abaarta ah ee dalkeena ka jirta ayaa galaafatay xoolihii ay bulshada dhaqaneysay, waxaana tusaale kuugu filan Neefka sawirka ka...

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

January 18, 2026
0

Dhammaan Masuuliyiinta iyo Howlwadeenada Wasaaradda Maaliyadda XFS waxa ay ka tacsiyadeynayaa geeridii ku timid Allaha u Naxariistee Marxuum 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐇𝐚𝐣𝐢...

Ra’iisul Wasaare Xamsa kulan mira-dhal ah la Odoyaasha dhaqanka

Ra’iisul Wasaare Xamsa kulan mira-dhal ah la Odoyaasha dhaqanka

January 18, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay odayaasha ku sugan magaalada Laascaanood , oo ka mid...

Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyadeeysay geerida Marxuum Danjire Cabdinuur Yuusuf

Ministry of Foreign Affairs Extends Condolences on the Passing of Ambassador Cabdinuur Dabaqe

January 18, 2026
0

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia extends its deepest condolences on the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In