Maamulka Hay’adda Maaraynata Masiibooyinka Qaranka iyo kan Hay’adda Qadar Charity ayaa gargaar beni-aadanio oo wax ku ool ah u qeybiyay 500 oo qoys oo ku dhaqan tuuloyinka ku xeeran Magaalada Raage Ceelle ee Gobolka Shabeellada Dhexe.
Qoysaskaasi helay deeqda raashinka ah ayaa ahaa dadka ugu nugul ee ay saameeyeen abaaraha ka jira dalka iyo dhibaatooyinka ay horseedeen kooxaha khawaarijta.
Dhowaan Hay’adda Qadar Charity ayaa kaalmo mucaawino ah gaarsiisay qoysas barakacayaal ah oo ku dhaqan magaalada Kismaayo.