Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa Magaalada Baydhabo deeq raashin gaarsiiyay Xaasaskii ay ka tageen geesiyaashii Naftooda ku waayay Xuraynta Dalka iyo La dagaallanka Khawaarijta.
125 qoys oo heysata caruurta agoonta ay ka geeriyoodeen qaar ka mida Ciidamadii u shahiidey difaaca dalka ayaa maanta la gudoonsiiyay raashiin dhameystiran si ay ugu soomaan.
Saraakiil kale duwan oo ciidamada amaanka ayaa sidoo kale goob joog ka ahaa goobta rashiinka lagu bixinayey.
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta kale ee dalka in ay ka war hayaan agoonta ragii u geeriyoodey difaaca dalka.