Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qunsulka Guud Ee Cadan Oo Ku Baaqay In Si Deg Ah Loo Fuliyo Waxa Ka Soo Baxay Shirkii Brussels

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Qunsulka Guud Ee Cadan Oo Ku Baaqay In Si Deg Ah Loo Fuliyo Waxa Ka Soo Baxay Shirkii Brussels
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qunsulka Guud ee Dowlada Federaalka soomaaliya u fadhiya MagaaladaCadan ee dalka yamen Axmed Cabdi xasan Suudaani oo la hadlay Radiyo muqdisho ayaa soo dhaweeyay qodobada ka soo baxay shirka Magaalada Brussels lagu soo gaba gabeeyay ee loogu yaboohay Qaxootiga Soomaaliyeed lacagta aadka u faraha badan.

Axmed Suudaani ayaa ugu baaqay Dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka in ay fuliyaan si deg deg ah waxyaabaha ka soo baxay shirkaasi ee lagu caawinayo qaxootiga Soomaaliyeed oo ay ku jiraan kuwa yemen ka soo cararaya.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Shirkani oo ay ka qeyb galeen Ra’isul wasaaraheena,Wasiirkeena arrimaha dibadda iyo mas’uuliyiinta kale Ee Soomaaliya waa lala soo daahay ayaan dhihi karaa maxaa yeelay qaxootiga Soomaaliyeed ee Dalka Yemen dhibaato ayaa ku heysata Yemen iyo Soomaaliya, maxaa yeelay waxaan arkay qaar ka mid ah dadkii aan ku soo daad gureynay Maraakiibta, Doomaha,iyo diyaaradaha oo ku soo noqday yemen, iyagoo ii sheegay  in dalka gudihiisa sidii ay u baahnaayeen aysan ka helin Hey’adaha Caalamka, marka waxaan codsanayaa in la soo dadajiyo yabooha lacageed ee Shirkaasi ka soo baxay” ayuu yiri Axmed Suudaani.

Dhaqaalaha lagu yaboohay shirka waxa ay ka badan tahay 100 Milyan oo dollar inkastoo waddamada qaar ee ka qeybgalay shirka ay sheegeen in dib ay ugu biiri doonaan yabooha loo fidinaayo qaxootiga Soomaalida ee ku nool waddamada dariska.

Waxaa kaloo shirka aad looga hadlay siddii fursado loogu abuuri lahaa qaxootiga Soomaalida ee doonaya in ay dib dalka ugu soo laabtaan.

Waxaana dhammaan dhinacyada ka qeybgalay ay hoosta ka xariiqeen in waddamada la mid ah Soomaaliya ee hadda ka kabanaya dagaallada in ay Soomaaliya ugu wanaagsan tahay.

Previous Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Daawo Sawirrada: Madaxweynaha Dalka Oo Booqday Xarunta Jaamacadda Ummadda

Next Post
Daawo Sawirrada: Madaxweynaha Dalka Oo Booqday Xarunta Jaamacadda Ummadda

Daawo Sawirrada: Madaxweynaha Dalka Oo Booqday Xarunta Jaamacadda Ummadda

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In