Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qunsulka guud ee Caden oo qaabilay Madaxa UNHCR ee dalka Yemen

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Qunsulka guud ee  Caden oo qaabilay Madaxa UNHCR ee dalka  Yemen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

TAR : 28/01/2015
Gunsulka guud ee dawladda Federaalka ah Soomaaliya u fadhiya magaalada Caden ee dalka Yemen Axmed Cabdi Xassan (Axmed Suudaan) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa cusub ee Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Qaxootiga ee magaalada Caden Mrs, Ita Schuette. ayna ka wada hadleen arrimo badan oo quseeya qaxootiga Soomaaliyeed gaar ahaan sidii uu mas`uulka cusubi gacan uga gaysan lahaa qaabka ugu fudud ee dib u celin loogu samayan lahaa qaxootiga Soomaaliyeed ee danaynaya inay dalkooda dib ugu noqdaan .

Ugu horayntii qunsulka guud Axmed Suudaan ayaa Mrs, Ita Schuette uga mahadceliyey booqashadeeda ay ku timid qunsuliyadda Guud ee Caden , iyo sida ay u danaynayso inay madaxda soomaaliyeed warbixin ka siiso wax qabadka xaafiiska UNHCR ee Caden iyo hawlaha baaxada leh ee u qorshaysan inay fuliyaan sanadka 2015 ayna ugu horayso arimaha dib u celinta qaxootiga iyo dardar galinta adeegayada ay u baahan yihiin qaxootiga Soomaaliyeed eek u nool xerada Al-kharaz iyo dhamaan gobolada koofureed ee dalka Yemen .. sidoo kale qunsulka ayaa uga mahadceliyey dawlada yemen iyo madaxda xafiiska qaramada mideebey ee qaxootiga sida goor walba ay ugu taagan yihiin gargaar u fidinta iyo xanaanaynta qaxootiga soomaaliyeed kuwaas oo ku dhawaad dhowr iyo 20 sanno ku noolaa dalka ayemen .

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

Kulanka ayaa looga hadlay sidii hayqada UNHCR iyo Dawlada Soomaaliya isaga kaashan lahaayeen fulinta codsiyada qaxootiga Soomaaliyeed ee ay ku doonayaan in dib u celin loo sameeyo ,. Mrs Ita ayaa sheegtay inay wada hadal u socdo iyaga iyo xafiiska UNHCR ee Muqdisho Soomaaliya iyagoo ka wada hadlaya arimaha dib u celinta iyo qaabka ugu fudud ee qaxootiga yemen ka noqonaya loo gaynlahaa deegaamadii ay horay uga soo barakaceen ee nabdoon . waxayna tilmaantay mrs Ita in arintaas ay meel fiican marayso lana qaaday dhamaan talaabooyinkii loobaahnaa lagana yaabo in bartamaha sanaka 2015 ay bilaaban doonto fulinta qorshahaas iyadoo tilmaantay inay si dhow ula socdaan xaalada amni ee soo hagaagaysa ee wadanka Soomaaliya .

Sidoo kale qunsulka ayaa kala hadlay Mas`uulka qaramada midoobay ee arimaha qaxootiga sidii xal loogu heli lahaa ilmaha soomaaliyeed ee soo gaara dalka yemen iyaga oon waalidkoodu la socon kuwaas oo ay hay`adda Inter SOS ay noloshooda gacanta ku hayso iyo baahida ay u qaban ubadkas inay dib ugu noqdaan gacan waalidiintooda , arintaas oo u baahan dadaal wada jir ah si loogu gulaysto heilda waalidiinta ubadkaas. sidoo kale waxaa kulanka lagu gorfeeyey dhibaatooyin ka ka taagan bixinta kaararka qaxootiga iyo cusboonaysiintooda , iyo hagaajinta arimaha asaasiga u ah qaxootiga ku nool xerada qaxootiga ee Al-kharaz sida Quudka , Caafimaadka iyo waxbarashada. Sidii kale waxaa kulanka looga wada hadlay sidii taageero dhaqaale loogu heli lahaa arada qaxootiga ee ka faaidaysta deeqaha waxbarasho ee dawalada soomaaliyeed ay ka hesho dawladda Yemen sanad walba lana kulma dhibaatooyin dhaqaalo xumo oo keena inay iskaga tagaan waxbarashada jaamacadaha .

Mrs, Ita ayaa qunsulka u cadaysay inay booqashadeedu ay qayb tahay xog aruurin iyo inay warbxin ka dhaqaysato qunsulka guud ee cadan arimaha la xariira qaxootiga soomaaliyeed ee ku sugan gobolada koofureed ee dalka yemen iyo sidii ay qunsuliyadu iyo hay`adoodu isaga kaashan lahaayeen xalinta wixii dhibaatooyin ah ee ka jira xerada qaxootiga . iyadoo dhanka kale ka mahad celisay soo dhawaynta fiican ee ay kala kulantay qunsulka guud ee cadan axmed suudaan .

Ugu dambayntii qunsulka ayaa ka codsaday mas`uulkan in xil gaara iska saarto sidii looga jawaabi lahaa cosdisyada qaxootiga loona hagaajin lahaa noloshooda , isagoo cadeeyey in dawlada soomaaliya ay gacan wayn ka gaysan doonto arimaha dib u celinta qaxootiga iyo inuu si dhaw ula shaqayndoonaan madaxda hay`adda UNHCR iyo dawlada yemen arimaha ku aadan daryeelka qaxootiga soomaaaliyeed eek u nool dalka Yemen iyo dib u celintoodaba .

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxa Protection Office ee UNHCR Mr daved iyo Arman iyo sidoo kale xoghaya sadexaad ee qunsuliyadda Maxamed Cumar .

DHAMAAD
sawiro muhiim ah 2015 1762

sawiro muhiim ah 2015 1754

Previous Post

Wasiirada Cusub oo munaasanad lagu taageerayo lagu qabtay Muqdisho

Next Post

Musharax Maxamed Nuur Qalaad oo lagu soo dhaweeyay Guriceel “SAWIRRO”

Next Post
Musharax Maxamed Nuur Qalaad oo lagu soo dhaweeyay Guriceel “SAWIRRO”

Musharax Maxamed Nuur Qalaad oo lagu soo dhaweeyay Guriceel "SAWIRRO"

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In