Wednesday, May 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qunsulka guud ee Caden oo qaabilay Madaxa UNHCR ee dalka Yemen

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 28, 2015
in Wararka
0
Qunsulka guud ee  Caden oo qaabilay Madaxa UNHCR ee dalka  Yemen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

TAR : 28/01/2015
Gunsulka guud ee dawladda Federaalka ah Soomaaliya u fadhiya magaalada Caden ee dalka Yemen Axmed Cabdi Xassan (Axmed Suudaan) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa cusub ee Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Qaxootiga ee magaalada Caden Mrs, Ita Schuette. ayna ka wada hadleen arrimo badan oo quseeya qaxootiga Soomaaliyeed gaar ahaan sidii uu mas`uulka cusubi gacan uga gaysan lahaa qaabka ugu fudud ee dib u celin loogu samayan lahaa qaxootiga Soomaaliyeed ee danaynaya inay dalkooda dib ugu noqdaan .

Ugu horayntii qunsulka guud Axmed Suudaan ayaa Mrs, Ita Schuette uga mahadceliyey booqashadeeda ay ku timid qunsuliyadda Guud ee Caden , iyo sida ay u danaynayso inay madaxda soomaaliyeed warbixin ka siiso wax qabadka xaafiiska UNHCR ee Caden iyo hawlaha baaxada leh ee u qorshaysan inay fuliyaan sanadka 2015 ayna ugu horayso arimaha dib u celinta qaxootiga iyo dardar galinta adeegayada ay u baahan yihiin qaxootiga Soomaaliyeed eek u nool xerada Al-kharaz iyo dhamaan gobolada koofureed ee dalka Yemen .. sidoo kale qunsulka ayaa uga mahadceliyey dawlada yemen iyo madaxda xafiiska qaramada mideebey ee qaxootiga sida goor walba ay ugu taagan yihiin gargaar u fidinta iyo xanaanaynta qaxootiga soomaaliyeed kuwaas oo ku dhawaad dhowr iyo 20 sanno ku noolaa dalka ayemen .

Related posts

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025

Kulanka ayaa looga hadlay sidii hayqada UNHCR iyo Dawlada Soomaaliya isaga kaashan lahaayeen fulinta codsiyada qaxootiga Soomaaliyeed ee ay ku doonayaan in dib u celin loo sameeyo ,. Mrs Ita ayaa sheegtay inay wada hadal u socdo iyaga iyo xafiiska UNHCR ee Muqdisho Soomaaliya iyagoo ka wada hadlaya arimaha dib u celinta iyo qaabka ugu fudud ee qaxootiga yemen ka noqonaya loo gaynlahaa deegaamadii ay horay uga soo barakaceen ee nabdoon . waxayna tilmaantay mrs Ita in arintaas ay meel fiican marayso lana qaaday dhamaan talaabooyinkii loobaahnaa lagana yaabo in bartamaha sanaka 2015 ay bilaaban doonto fulinta qorshahaas iyadoo tilmaantay inay si dhow ula socdaan xaalada amni ee soo hagaagaysa ee wadanka Soomaaliya .

Sidoo kale qunsulka ayaa kala hadlay Mas`uulka qaramada midoobay ee arimaha qaxootiga sidii xal loogu heli lahaa ilmaha soomaaliyeed ee soo gaara dalka yemen iyaga oon waalidkoodu la socon kuwaas oo ay hay`adda Inter SOS ay noloshooda gacanta ku hayso iyo baahida ay u qaban ubadkas inay dib ugu noqdaan gacan waalidiintooda , arintaas oo u baahan dadaal wada jir ah si loogu gulaysto heilda waalidiinta ubadkaas. sidoo kale waxaa kulanka lagu gorfeeyey dhibaatooyin ka ka taagan bixinta kaararka qaxootiga iyo cusboonaysiintooda , iyo hagaajinta arimaha asaasiga u ah qaxootiga ku nool xerada qaxootiga ee Al-kharaz sida Quudka , Caafimaadka iyo waxbarashada. Sidii kale waxaa kulanka looga wada hadlay sidii taageero dhaqaale loogu heli lahaa arada qaxootiga ee ka faaidaysta deeqaha waxbarasho ee dawalada soomaaliyeed ay ka hesho dawladda Yemen sanad walba lana kulma dhibaatooyin dhaqaalo xumo oo keena inay iskaga tagaan waxbarashada jaamacadaha .

Mrs, Ita ayaa qunsulka u cadaysay inay booqashadeedu ay qayb tahay xog aruurin iyo inay warbxin ka dhaqaysato qunsulka guud ee cadan arimaha la xariira qaxootiga soomaaliyeed ee ku sugan gobolada koofureed ee dalka yemen iyo sidii ay qunsuliyadu iyo hay`adoodu isaga kaashan lahaayeen xalinta wixii dhibaatooyin ah ee ka jira xerada qaxootiga . iyadoo dhanka kale ka mahad celisay soo dhawaynta fiican ee ay kala kulantay qunsulka guud ee cadan axmed suudaan .

Ugu dambayntii qunsulka ayaa ka codsaday mas`uulkan in xil gaara iska saarto sidii looga jawaabi lahaa cosdisyada qaxootiga loona hagaajin lahaa noloshooda , isagoo cadeeyey in dawlada soomaaliya ay gacan wayn ka gaysan doonto arimaha dib u celinta qaxootiga iyo inuu si dhaw ula shaqayndoonaan madaxda hay`adda UNHCR iyo dawlada yemen arimaha ku aadan daryeelka qaxootiga soomaaaliyeed eek u nool dalka Yemen iyo dib u celintoodaba .

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxa Protection Office ee UNHCR Mr daved iyo Arman iyo sidoo kale xoghaya sadexaad ee qunsuliyadda Maxamed Cumar .

DHAMAAD
sawiro muhiim ah 2015 1762

sawiro muhiim ah 2015 1754

Previous Post

Wasiirada Cusub oo munaasanad lagu taageerayo lagu qabtay Muqdisho

Next Post

Musharax Maxamed Nuur Qalaad oo lagu soo dhaweeyay Guriceel “SAWIRRO”

Next Post
Musharax Maxamed Nuur Qalaad oo lagu soo dhaweeyay Guriceel “SAWIRRO”

Musharax Maxamed Nuur Qalaad oo lagu soo dhaweeyay Guriceel "SAWIRRO"

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
0

Ciidanka Deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa fuliyay howlgal ay ku dileen ugu yaraan saddex...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad),ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

May 12, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay shir muhiim ah oo u dhexeeya Hay’adaha Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo...

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

May 12, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad oo garab ka helaya Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In