Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qurbajoogta Soomaaliyeed oo loogu baaqay inay ka qeyb qaataan dadka ay abaaruhu saameeyeen

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Maamulka Galmudug oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo dad ay biyo la’aan haysato
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Qurbajoogta Soomaaliyeed waxay dareenkooda ku aadan xaaladda abareed ee ka dilaacday qeybo badan oo dalkeena ka mid ah la qeybsanayaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ku dhufteen abaaraha sababay xaaladdo Beni’aadanimo oo daran ayna ugu wacan tahay roob yarri jirtay, taas oo keentay inuu dalagii soo bixi waayo, biyo yari, qiimaha cuntadda oo sare u sii kacayey iyo daaqa xoolahu ay quutaan oo qalalay. Waxaan sidoo kale meesha ka marneyn cudurro asiibay dadka iyo xoolaha la dhaqdo kuwaas oo ka sii daray xaaladda, kana dhigay mid halisteeda leh.

Inkastoo tirro sax ah ay adagtahay in la helo sababo la xiriira daruufaha dhanka amniga iyo caqabaddaha ka jira qeybo ka mid ah dalkeena awgeed haddana waxaa iska cad in tirro badan oo ka mid ah bulshadda Soomaaliyeed ee miyiga ku dhaqan ay wajahaan macluul iyo nafaqo darri aad u ba’an.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Mushtamaca Soomaaliyeed ee miyiga ku dhaqan ayaa ku tiirsan dalaga ka soo go’a beeraha iyo xoolaha nool. Shabackan tabaaleysan ee miyiga waxay iyagoo aan waxba ka qaban karin iska daawadaan xoolahooda nool oo xeyn-xeyn u dhimanaya iyo dalagii oo engaga.

Qurbajoogta Soomaaliyeed waxay ku boorinayaan inay dowladda Soomaaliyeed, shacabka iyo qeybaha bulshada rayidka ah iska kaashadaan sidii deg deg wax loogu qaban lahaa qeybaha dalka ee ay abaarahu ku dhufteen, si loo yareeyo qasaaraha ka dhalan kara dhibaato weyn oo masiibo beni’aadanimo keeni karta.

Inkastoo ujeedku yahay xilliga dhow in la quudiyo dadka ay macluusha abaartu saameysay, haddana waxaan ku dhiirigalinaynaa dhamaan qeybaha kala duwan ee gacan ka geysanaya abaaraha in la dajiyo qorshe lagula tacaalayo roob yarida iyo masiibooyinka dabiiciga ah kahor inta aaney galaafan noole iyo maalba.

Qurbajoogta Soomaaliyeed waxaa loogu baaqayaa ka qeyb qaadasho door muuqda leh ee abaaraha ku dhuftay dalkeena, iyadoo loo marayo dhaqaale uruurin iyo wacyigalin laga dhex bilaabo wadamada ay ku kala nool yihiin qurbajoogta. Sidoo kalena cullumo awdiinka iyo hogamiyayaasha bulshadda ee qurbajoogta Soomaaliyeed inay hormuud ka noqdaan ololaha gacan looga geysanayo abaaraha iyo daruufaha adag ee ka dhashay.

 

 

 

 

 

Previous Post

Danjire Jamaal oo dib ugu Soo Laabtay Nairobi,ka dib Markii uu Shalay Garissa ugu Qeyb Galay Xuska Ardadii Lagu Xasuuqay Jaamacada Garissa”Sawirro”

Next Post

Mas’uuliyiin kormeer ku tegay saldhigyada ay ku xiranyihiin maleeshiyaadkii laga qabtay bariga Mudug

Next Post

Mas'uuliyiin kormeer ku tegay saldhigyada ay ku xiranyihiin maleeshiyaadkii laga qabtay bariga Mudug

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In