Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R.W Cumar “Nabadda Gaalkacyo waa in wadajir looga shaqeeyaa”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
R.W Cumar “Nabadda Gaalkacyo waa in wadajir looga shaqeeyaa”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra´iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, ayaa ku guuleystay inuu kala qaado ciidamada labada maamul ee Galmudug iyo Puntland, kuwaasoo isku hor fadhiyay in muddo ah Xaafado kamid ah magaalada Gaalkacyo.

Ra´iisul Wasaaraha oo maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ayaa heshiis kala dhex dhigay hoggaamiyeyaasha labada dhinac, waxayna labada hogaamiye ee Galmudug iyo Puntland isla ogolaadeen inay qaataan heshiis, isla markaana ay kala qaadaan ciidamada labada dhinac.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Ra´iisul Wasaaraha oo ay wehlinayeen labada madaxweyne ee maamulada Galmudug iyo Puntland Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Cabdweli Maxamed Cali, waxaana sidoo kale ku wehlinayay saraakiisha ciidamada labada maamul.
Ra´iisul Wasaaraha oo tagay jiidaha hore ee ay isku hor fadhiyaan labada ciidan ayaa u sheegay saraakiisha ciidamada in la joojiyo dagaalka isla markaana dib ay ugu laabtaan goobihii ay markii hore ka soo dagaal tageen.

“Waxaan u taagan nahay sidii bulshada dagan Gaalkacyo ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen , waad la socotaan waxaa la gaarey heshiis nabadeed oo xal loogu raadinayo colaadda, waxaa waajib nagu ah dhammaanteen in aan ka shaqayno nabadda oo ciidamada is hor fadhiyo dib loogu celiyo xeryahoodii”ayuu yiri R.W oo ka hadlayay goobihii ay isku horfadhiyeen labada Ciidan.

Hogaamiyeyaasha labada maamul ayaa sheegay in ay dhab ka tahay dhameynta colaada Gaalkacyo, isla markaana ay dhaqangelin doonaan, isla markaana illaalin doonaan heshiiska la gaaray.

—DHAMMAAD—

Previous Post

Dowladda Britain oo safiir cusub usoo Magacaowday Soomaaliya

Next Post

Guddoomiyaha Maxkamdda Gobolka Banaadir oo shaqada laga joojiyay

Next Post
Guddoomiyaha Maxkamdda Gobolka Banaadir oo shaqada laga joojiyay

Guddoomiyaha Maxkamdda Gobolka Banaadir oo shaqada laga joojiyay

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In