Friday, July 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R.W Cumar “Nabadda Gaalkacyo waa in wadajir looga shaqeeyaa”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 19, 2016
in Wararka
0
R.W Cumar “Nabadda Gaalkacyo waa in wadajir looga shaqeeyaa”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra´iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, ayaa ku guuleystay inuu kala qaado ciidamada labada maamul ee Galmudug iyo Puntland, kuwaasoo isku hor fadhiyay in muddo ah Xaafado kamid ah magaalada Gaalkacyo.

Ra´iisul Wasaaraha oo maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ayaa heshiis kala dhex dhigay hoggaamiyeyaasha labada dhinac, waxayna labada hogaamiye ee Galmudug iyo Puntland isla ogolaadeen inay qaataan heshiis, isla markaana ay kala qaadaan ciidamada labada dhinac.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025

Ra´iisul Wasaaraha oo ay wehlinayeen labada madaxweyne ee maamulada Galmudug iyo Puntland Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Cabdweli Maxamed Cali, waxaana sidoo kale ku wehlinayay saraakiisha ciidamada labada maamul.
Ra´iisul Wasaaraha oo tagay jiidaha hore ee ay isku hor fadhiyaan labada ciidan ayaa u sheegay saraakiisha ciidamada in la joojiyo dagaalka isla markaana dib ay ugu laabtaan goobihii ay markii hore ka soo dagaal tageen.

“Waxaan u taagan nahay sidii bulshada dagan Gaalkacyo ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen , waad la socotaan waxaa la gaarey heshiis nabadeed oo xal loogu raadinayo colaadda, waxaa waajib nagu ah dhammaanteen in aan ka shaqayno nabadda oo ciidamada is hor fadhiyo dib loogu celiyo xeryahoodii”ayuu yiri R.W oo ka hadlayay goobihii ay isku horfadhiyeen labada Ciidan.

Hogaamiyeyaasha labada maamul ayaa sheegay in ay dhab ka tahay dhameynta colaada Gaalkacyo, isla markaana ay dhaqangelin doonaan, isla markaana illaalin doonaan heshiiska la gaaray.

—DHAMMAAD—

Previous Post

Dowladda Britain oo safiir cusub usoo Magacaowday Soomaaliya

Next Post

Guddoomiyaha Maxkamdda Gobolka Banaadir oo shaqada laga joojiyay

Next Post
Guddoomiyaha Maxkamdda Gobolka Banaadir oo shaqada laga joojiyay

Guddoomiyaha Maxkamdda Gobolka Banaadir oo shaqada laga joojiyay

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Turkiga Soomaaliya u jooga Mudane Alper...

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025
0

Maxamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Guutada 23-aad...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay abaarta ka jirta Gobalka Awdal

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle “Xaalada abaarta gobolka Awdal si gaar ah ayaa ula socnay, waxaana ka dowlad...

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In