Thursday, October 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R. W. ku-xigeenka oo ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigay caruur da’yar oo dhaqancelin loo sameynayo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
R. W. ku-xigeenka oo ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigay caruur da’yar oo dhaqancelin loo sameynayo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa maanta ka qayb-galay munaasabad dhaqan celin loogu samaynayay Xarunta Ciidanka Asluunta caruur da’yar oo tiradoodu gaareysay 60 kuwaasoo laga soo aruuriyay dariiqyada.

Munaasabadan oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Wasaarada Cadaaladda Mudane Cabdullaahi Axmad Jaamac Ilka-jiir, Taliyaha Ciidanka Asluubta Bashiir Maxamed Jaamac, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmad Cali Daahir iyo Ergayga Arrimaha Xuquuqal Insaanka iyo qaxootiga Ra’iisul Wasaaraha Maryam Yaasiin.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

Taliyaha Ciidanka Asluubta Mudane Bashiir Maxamed Jaamac oo sharaxaad ka bixiyay qaabka ay caruurtan u soo urururiyeen ayaa sheegay in wixii caruurura ee da’adoodu yar tahay ay gayn doonaan Xarunta Caruurta lagu dhaqan caliyo ee Afgooye iyadoo kuwo waawayna uu sheegay la bari doono xirfado ay ku shaqaystaan oo dibjirnimada kaga baxaan.

Wasiirka Cadaalada oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in dadaal badan ay Wasaaradiisu ka gashay in ubadka darbiyada ku dayacan la soo ururiyo si gaarana u sheegay in dhibaatooyinka ay la kulmaan hoos loo eegi doono khaasatan dhinaca sharciga.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta arko caruur aad u da’yar oo laga soo aruuriyay dariiqyada magaalada Muqdisho si loo xanaaneeyo, waxaana arrintan si gaar ah uga mahadcelinayaa Taliska Asluubta oo iyagu isku xil qaamay inay soo aruuriyaan caruurtaan iyaga oo kaashanaya hay’addaha ay khuseyso” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte.

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa gacantiisa uga badalay dharkii duuga ahaa ee ay xirnaayeen caruurtan isaga oo u xiray dhar cusub, waxaana caruurtan oo diif badani ka muuqatay uu balan qaaday in dawladu gacan ka gaysan doonto daryeelkooda lana dhaqan celin doono.

Gabagabadii, Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa kormeer ku soo maray Xarunta Ciidanka Asluubta iyo dhismaha cusub ee Maxkamada iyo Xabsiga dhexe ee dalka.

Previous Post

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda oo sanadguurada 46-aad ee hey’adda ugu hambalyeeyay ciidamada

Next Post

Madaxweynaha: “Waan ku ammaanayaa shacabka reer Puntland sida ay uga shaqeyeen nabadda iyo horumarka”

Next Post
Madaxweynaha: “Waan ku ammaanayaa shacabka reer Puntland sida ay uga shaqeyeen nabadda iyo horumarka”

Madaxweynaha: "Waan ku ammaanayaa shacabka reer Puntland sida ay uga shaqeyeen nabadda iyo horumarka"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In