Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R. W. ku-xigeenka oo ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigay caruur da’yar oo dhaqancelin loo sameynayo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
R. W. ku-xigeenka oo ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigay caruur da’yar oo dhaqancelin loo sameynayo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa maanta ka qayb-galay munaasabad dhaqan celin loogu samaynayay Xarunta Ciidanka Asluunta caruur da’yar oo tiradoodu gaareysay 60 kuwaasoo laga soo aruuriyay dariiqyada.

Munaasabadan oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Wasaarada Cadaaladda Mudane Cabdullaahi Axmad Jaamac Ilka-jiir, Taliyaha Ciidanka Asluubta Bashiir Maxamed Jaamac, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmad Cali Daahir iyo Ergayga Arrimaha Xuquuqal Insaanka iyo qaxootiga Ra’iisul Wasaaraha Maryam Yaasiin.

Related posts

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026

Taliyaha Ciidanka Asluubta Mudane Bashiir Maxamed Jaamac oo sharaxaad ka bixiyay qaabka ay caruurtan u soo urururiyeen ayaa sheegay in wixii caruurura ee da’adoodu yar tahay ay gayn doonaan Xarunta Caruurta lagu dhaqan caliyo ee Afgooye iyadoo kuwo waawayna uu sheegay la bari doono xirfado ay ku shaqaystaan oo dibjirnimada kaga baxaan.

Wasiirka Cadaalada oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in dadaal badan ay Wasaaradiisu ka gashay in ubadka darbiyada ku dayacan la soo ururiyo si gaarana u sheegay in dhibaatooyinka ay la kulmaan hoos loo eegi doono khaasatan dhinaca sharciga.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta arko caruur aad u da’yar oo laga soo aruuriyay dariiqyada magaalada Muqdisho si loo xanaaneeyo, waxaana arrintan si gaar ah uga mahadcelinayaa Taliska Asluubta oo iyagu isku xil qaamay inay soo aruuriyaan caruurtaan iyaga oo kaashanaya hay’addaha ay khuseyso” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte.

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa gacantiisa uga badalay dharkii duuga ahaa ee ay xirnaayeen caruurtan isaga oo u xiray dhar cusub, waxaana caruurtan oo diif badani ka muuqatay uu balan qaaday in dawladu gacan ka gaysan doonto daryeelkooda lana dhaqan celin doono.

Gabagabadii, Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa kormeer ku soo maray Xarunta Ciidanka Asluubta iyo dhismaha cusub ee Maxkamada iyo Xabsiga dhexe ee dalka.

Previous Post

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda oo sanadguurada 46-aad ee hey’adda ugu hambalyeeyay ciidamada

Next Post

Madaxweynaha: “Waan ku ammaanayaa shacabka reer Puntland sida ay uga shaqeyeen nabadda iyo horumarka”

Next Post
Madaxweynaha: “Waan ku ammaanayaa shacabka reer Puntland sida ay uga shaqeyeen nabadda iyo horumarka”

Madaxweynaha: "Waan ku ammaanayaa shacabka reer Puntland sida ay uga shaqeyeen nabadda iyo horumarka"

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caddaaladda oo war ka soo saartay hannaanka dib u eegista Dastuurka

January 27, 2026
0

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ka jawaabeysaa hadallo dhawaan ay jeediyeen qaar ka mid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In