Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R.W.ku Xigeenka  Xukuumadda oo sheegay inay sameynayaan unug dabagala xogaha shabakadaha wax tahriibiya “War-saxaafadeed”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
R.W.ku Xigeenka  Xukuumadda oo sheegay inay sameynayaan unug dabagala xogaha shabakadaha wax tahriibiya “War-saxaafadeed”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul W/ku Xigeenka  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte, oo war-murtiyeed ka soo saaray xafiiskiisa waxa uu ugu horayntii u tacsiyeeyay eheladii iyo qaraabadii ay masiibadu ku habsatay, iyadoo badda ay ku geeriyoodeen in ka badan laba boqol oo qof oo Soomaali ahi.

Ugu horrayntii waxay xukuumaddu ugu baaqaysaa dhallinyarda Soomaaliyeed in ay ka digtoonaadaan, kana waantoobaan dhibaatada Tahriibka, oo lagala kulmo khataro aad u faro badan kumanaan Soomaali ahina  hore ugu leedeen.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenku waxa uu sheegay in Xukuumaddu ay qaadatay  tallaaboooyin siyaasadeed oo muhiima oo lagaga hor tagayo Tahriibka:

In Waalidiinta Soomaaliyeed ay xil iyo masuuliyad iska saaraan badbaadinta ubadkooda ee aanay ka qayb qaadan fudu-daynta tahriibka.

In ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu abuuro unug u gaar ah oo u xilsaaran dabagalka xogaha la xiriira shabakadaha ka shaqeyaa tahriibinta dhallinyarada.

Xawaaladaha iyo shirkadaha isgaarsiintu waa inay si toos ah ugala shaqaeyaan hay’adaha ammaanka ka hortagga tahriibka.

Waxaan kala shaqeyneynaa dowladaha jaarka ah, sida Ethiopia, Sudan, Egypt iyo dalalka Turkiga iyo Giriiga sidii wax looga qaban lahaa bur burinta shabakadaha tahriibka.

Dowladaha Mareykanka, Midowga Yurub, hay’adaha caalamiga ah, Qaramada Midoobay, dalalka aan saaxiibka nahay iyo Bangiyada Horumarinta waxaan weydiisaneynaa sidii ay wax noogala qaban lahaayeen joojinta tahriibka, iyadoo xoogga la saarayo, sidii fursado shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhallinyarada.

In Wasaaraddaha Arrimaha bulshada ka shaqeeya, sida Wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta, Warfaafinta, Waxbarashada, Arrimaha gudaha, dhallinyarda iyo cayaaraha waa inay ka shaqeeyaan sidii wax looga qaban lahaa joojinta tahriibka iyo ollolaha ka Wacyi-gelinta dhallinyarada looga digayo Tahriibka.

In la qabto Talo-qaran oo lagaga arinsanayo khatarta tahriibka, iyadoo lala tashanayo cid kasta oo arrintani khusayso.
Dowladdu waxa ay ka shaqeyneysaa in la xoojiyo sidii loogu sahli lahaa dal ku gal (VISA) waddamo badan, si bulshada Soomaaliyeed ee u socda caafimaadka,  ganacsiga, waxbarashada ay ugu sahlanaato tegista waddamadaas.

Ugu danbayntii Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka XFS Mudaned Maxamed Cumar Carte ayaa kula dar daarmay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada inay ka feejignaadaan dhibaatada tahriibka oo aan noloshooda waxba ku soo kordhineyn.

 

Previous Post

R/wasaare ku xigeenka oo ku amray hey’adaha ammaanka iney bur buriyaan shabakadaha dadka tahriibiya

Next Post

Madaxweynaha: ‘’Doorashada sannadkan dhacaysa waa cashar ay shacabku ka baranayaan dimoqraadiyadda”

Next Post
Madaxweynaha: ‘’Doorashada sannadkan dhacaysa waa cashar ay shacabku ka baranayaan dimoqraadiyadda”

Madaxweynaha: ‘’Doorashada sannadkan dhacaysa waa cashar ay shacabku ka baranayaan dimoqraadiyadda"

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In