Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay qaar ka mid ah wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka dalka oo heer gebogebo ah maraya iyo u diyaar garowga dhaarinta Xildhibaannada labada Aqal ee la qorsheeyay 14-ka bishan.
Ra’iisul Wasare Rooble ayaa warbixin guud siiyay Wakiilada beesha caalamka ee uu kulanka la qatay, waxaana ay kormeereen halka loo qorsheeyay inay ka dhacdo xafladda dhaarinta Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka 11aad.