Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R.W. Sharm’arke “Gaalkacyo waxaan ka noqoneynaa markii ay nabaddu shaqayso oo dadkii barakacay guryahoodii ku soo laabtaan”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
R.W. Sharm’arke “Gaalkacyo waxaan ka noqoneynaa markii ay nabaddu shaqayso oo dadkii barakacay guryahoodii ku soo laabtaan”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo uu ka mid yahay Madaxweynaha dawlad gobolleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirro iyo Xildhibaanno ayaa galinkii danbe ee maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaas oo soo dhaweyn diiran loogu sameeyey. Wafdiga ayaana deegaanka u soo gaaray dhamaynta colaadii ka dhacay Gaalkacyo.

Ra’iisul Wasaare Sharmarke oo soo dhaweynta kadib Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay si deg deg in lagu soo afjari doono colaada dhiiggu ku daatay ee degmada Gaalkacyo ka dhacday, isagoo xusay maalinta barri in ay kulan guud wada qaadan doonaan Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed, wuxuuna dhinaca kale rajo ka muujiyay colaadii dhacday in wada hadal lagu dhamayn doono.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026

“Aad ayaan uga xumahay dagaalka ka dhacay Gaalkacyo maalmihii u dambeeyey, waana dagaal ay wax yeelo ka soo gaartay dad shacab ah, madaama dushooda lagu dul dagaalamay. Waxaan Gaalkacyo u nimid in aan soo afjarno colaada maalmahan socotay, halkaan waxaan dib uga noqoneynaa markii ay nabaddu shaqayso oo dadkii barakacay guryahoodii ku soo laabtaan. Ayuu yiri R.Wasaare Cumar.

Xaaladda Magaaladda Gaalkacyo ayaa dagan saacadihii la soo dhaafay, waxaana halkaas horey ugu sugnaa wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Maxamed Aaden Axmed kuwaas oo kulamo kala duwan la qaatay dhinacyada ay xiisaddu u dhexeyso.

unnamed (1) unnamed

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha: “Waa in xabbad joojin degdeg ah oo waarta ay ka dhaqan gashaa Gaalkacyo”

Next Post
Madaxweynaha: “Waa in xabbad joojin degdeg ah oo waarta ay ka dhaqan gashaa Gaalkacyo”

Madaxweynaha: "Waa in xabbad joojin degdeg ah oo waarta ay ka dhaqan gashaa Gaalkacyo"

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta barnaamijka “Daaci...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

March 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay'adaha caalamiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In