Friday, April 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/W Xamse Oo Kulan La Qaatay Guddiga Doorashooyinka ee Xiriirka Kubadda Cagta 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
R/W Xamse Oo Kulan La Qaatay Guddiga Doorashooyinka ee Xiriirka Kubadda Cagta 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha, Maxamed Barre Maxamuud iyo Guddiga Doorashooyinka ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed.

Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa kala hadlay masuuliyiinta cayaaraha dhowr arrimood oo muhiim ah oo ku saabsan doorashada Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo la filayo in dhowaan la qabto iyo sidii fursado loogu abuuri lahaa dhallinyarada ku sugan goobaha laga xoreeyay Khawaarijta.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Guddiga looga fadhiyo inuu qabto doorasho caddaalad ku dhisan, iyadoo la raacayo shuruucda u degsan xiriirka. Waxa uu ka digay in aan la aqbali karin is barbar yaac, isaga oo kula dardaarmay in Guddigu ka feejignaado in dhinac gaar ah ay la saftaan.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in rajo weyn laga qabo dhallinyarada 17 jirka ah ee guusha soo hooyay, isla markaana aan loo baahneyn in lagu niyad jabiyo is qabqabsi dhexdooda ah.

Dhinaca kale, waxaa Mudane Xamse Cabdi Barre uu sheegay in Wasaaradda iyo Xiriirka laga doonayo inay abaabulaan cayaaro iyo is dhexgal bulshada iyo dhallinyarada ku sugan goobaha Khawaarijta laga xoreeyay, isla markaana dhallinyarada loo dhiso garoomo ay ku ciyaaraan.

Previous Post

Guddoomiyaha G/Shacabka Oo shir Guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 7-aad Ee BJFS

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Hadlay Ciidanka Ku Jira Xerada Jeneraal Goordan

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Hadlay Ciidanka Ku Jira Xerada Jeneraal Goordan

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Hadlay Ciidanka Ku Jira Xerada Jeneraal Goordan

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cartan oo ka mid noqday garsoorayaasha koobka Adduunka

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cartan oo ka mid noqday garsoorayaasha koobka Adduunka

April 9, 2026
0

Madaxweynaha JFS, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan, kadib markii uu noqday garsoorihii...

Raktarka Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shir muhiim ah

Raktarka Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shir muhiim ah

April 9, 2026
0

Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, ayaa ka qayb galay shir muhiim ah oo ku saabsan isbeddellada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In