Wednesday, April 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/W Xamse oo kulan la qaatay Lataliyaha Dimuqraadiyadda ee Wasaaradda Arr/Dibadda Maraykanka 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
R/W Xamse oo kulan la qaatay Lataliyaha Dimuqraadiyadda ee Wasaaradda Arr/Dibadda Maraykanka 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Iinsaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Xamse Warfaa oo soo gaaray dalka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in Xamsa Warfaa uu caddeyn u yahay firfircoonida iyo dad la dhaqanka ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay adduunka ka joogaan, waxa uuna sheegay in doorka muuqda ee ay ku leeyihiin dalalka horumaray looga baahan yahay in uu ka muuqdo dhulkooda hooyo.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

April 7, 2026
Wasiir Jaamac oo ku guuleystay  kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

April 7, 2026

Ra’iisul Wasaaraha iyo Lataliye Warfaa ayaa iska xogwareystay xaaladda dalka, dagaalka ka dhanka argagixisada, qorsheyaasha horumarinta dimuqraadiyadda iyo xuquuqul-iinsaanka dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa la wadaagay sida ay Xukuumadda Danqaran mudnaanta u siisay ilaalinta xurriyadda hadalka, madaxbannaanida saxaafadda iyo xaqiijinta xogsiinta shacabka ee arrimaha dowladnimada.

Dhankiisa, Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Iinsaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Xamse Warfaa ayaa uga mahad-celiyey Ra’iisul Wasaaraha soo dhaweynta wanaagsan iyo kulanka miro-dhalka ah.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay ku-xigeenka Ergeyga QM Soomaaliya 

Next Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Safiirka Shiina ee Soomaaliya ka guddoomay lacag “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Safiirka Shiina ee Soomaaliya ka guddoomay lacag “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Safiirka Shiina ee Soomaaliya ka guddoomay lacag "SAWIRRO"

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

April 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Hoggaamiyaha Ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur...

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay  kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

April 7, 2026
0

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204,...

Soomaaliya oo la wareegtay kursiga Golaha Nabadda ee Midowga Afrika

Soomaaliya oo la wareegtay kursiga Golaha Nabadda ee Midowga Afrika

April 7, 2026
0

Soomaaliya ayaa maanta, markii ugu horreysay taariikhda, la wareegtay kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, tan iyo markii...

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO QAABILAY GUDDOOMIYAHA MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO QAABILAY GUDDOOMIYAHA MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO

April 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Guddoomiyaha Maamulka Degmada, ahna Duqa magaalada Baydhabo ee Xarunta Ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In