Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/W Xamse oo warbixin ka dhaggeestay guddiga Hagista daabacaadda Shillin Soomaaliga 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
R/W Xamse oo warbixin ka dhaggeestay guddiga Hagista daabacaadda Shillin Soomaaliga 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa shir guddoomiyey kulankii koowaad ee Guddiga Heer Qaran ee Hagista Mashruuca Dib-U-Daabicista Shillin Somaaliga, kaasi oo looga hadlay sidii loo dardar galin, isla markaana dib u habeyn loogu samayn lahaa Shillin Soomaaliga.

Guddoomiyaha Bangiga dhexe iyo xubnaha Guddiga ayaa warbixin faahfaahsan ka siiyey Ra’iisul Wasaaraha waxyaabihii u qabsoomay intii Guddigu shaqaynayay, iyadoo laga ambaqaadayo siyaasadda Xukuumadda Dan-Qaran ee dib-u-habeyta dhaqaalaha dalka gaar ahaan soo celinta Shillin Soomaaliga, taasoo wax badan ka beddeli doonta dhaqaalaha dadka dan-yarta ah ee dalkeena.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ku bogaadiyay xubnaha guddiga shaqada ay qabteen, isagoo tilmaamay in mashruucan dib u daabicidda Shillin Soomaaligu waxwayn ka badali doono dib u habeynta hay’adaha dhaqaale ee dalka, isla markaana haddii mashruucan uu guulaysto uu qayb wayn ka qaadanayo hoos u dhigidda dhaqaale yarida iyo saboolnimada.

Shirkan oo ah kii ugu horeeyey ee ay guddigu yeelato ayaa waxa ka soo qayb galay dhamaan xubnaha Guddiga, iyadoo Wasiiradda Maaliyadda Dowlad Gobolleedyada iyo Baanka Adduunka ay shirka kaga qeyb galeen online.





Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Amiinka Qatar 

Next Post

Somalia signed the Protocol on Free Movement of Persons

Next Post
Somalia signed the Protocol on Free Movement of Persons

Somalia signed the Protocol on Free Movement of Persons

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In