Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R.wasaaraha oo ururada dhalinyarada kala hadlay ka qeybgalka siyaasadda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
R.wasaaraha oo ururada dhalinyarada kala hadlay ka qeybgalka siyaasadda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

5

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa maanta qaabilay dhalinyaro mataleysay qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka, waxaana kulankan ku wehlinayay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.
Kulankan oo ka dhacay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa diirada lagu saaray sidii loo dhiiragelin lahaa dhalinyarada si ay qeyb uga noqdaan hanaanka geedi socodka doorashada dalka ee 2016 iyo sidii ay uga dhex muuqan lahaayeen hay’addaha kala duwan ee dowladda.

Ugu horeyn Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa faah faahin dheer ka siiyay dhalinyarada geeddi socodka 2016, aragtina ka siiyay habka ay dhalinyaradu kaalin uga geysan karaan sidii loo heli lahaa isbadal ku yimaada si Dimuqraadi ah, waxa uuna hoosta ka xariiqay in dhalinyarada la’aanteed aaney suurtagal aheyn in la gaaro hiigsiga iyo isbadalka dhabta ah.

“Dhalinyarada waxaa looga baahan yahay inay la yimaadaan isbadal, dhexdoodana ay is kaashadaan isna aaminaan, waana in aadnaan cidna ka sugin masiirkiina” ayuu yiri R.wasaaraha oo tilmaamay in dhalinyaradii SYL ee dalka u horseeday gobanimada ay duruufo adag ku soo beegantay halgankoodii, isla markaana aysan helin fursadaha maanta ay heystaan dhalinyarada Soomaaliyeed, dhanka aqoonta, Teknoliyada iyo dhamaamba adeegyada aas aaska u ahaa abaabulka.

“Xukuumadeyda waa xukuumada ugu dhalinyarada badan xukuumadihii dalka soo maray, waxayna hayaan Wasaaraddaha ugu muhiimsan, sidoo kalena waad la socotaan shaqaalaha dowladda boqolkiiba sideetan waa dhalinyaro, weliba kuwa dalka gudihiisa wax ku bartay” ayuu yiri

Sidoo kale, intii ay socotay wadahadalka dhalinta iyo Ra’iisal Wasaaraha ayay su’aalo weydiiyeen R.wasaaraha, waxaana u badnaa, habka xulista Baarlamaanka soo socda, aqalka sare, iyo sida ugu haboon ee loo heli karo cid la xisaabtanta oo saxda khaladaadka dhici kara.

Ra’iisal wasaaraha ayaa tilmaamay in dhalinyaradu ay la yimaadaan dadaal iyo karti, si ay ugu suurtagasho inay helaan waxa ay u qalmaan, waxaana sidoo kale dadka su’aalaha weydiiyay ka mid ahaa shaqsiyaad matalayay bulshada baahiyaha gaarka ah qaba, sida dhalinyaro ka socotay Dugsiga dadka indhaha la’ ay wax ku bartaan ee Al Basiir, waxayna ka codsadeen in dadka naafada iyo indhoolayaasha ah lagu daro shaqaalaha dowladda.

Gabagabadii Ra’iisal Wasaaraha ayaa ka waaniyay dhalinyarada inay dalka ka Tahriibaan, ayna dulqaad yeeshaan, isaga oo xusay in shirkii ka dhacay Malta, lagu diyaariyay qorshe guud oo waxbarid iyo shaqo abuur isugu jira lagu diyaariyay, lana filayo inay dhowaan dhaqan gasho, wuxuuna dhanka kale tilmaamay in golaha Wasiiradu ay diyaariyeen waxa loo yaqaano siyaada dhalinyarada (Youth Policy), taasoo dhowaan ay meel marin doonaan.

1 2 3 4 5 6 7

Previous Post

Guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare dalka oo xilka la wareegay-Sawirro

Next Post

R.wasaare ku-xigeenka oo sheegay in Soomaaliya ay ku talaabsatay horumar dhinac kasta leh “SAWIRRO”

Next Post
R.wasaare ku-xigeenka oo sheegay in Soomaaliya ay ku talaabsatay horumar dhinac kasta leh “SAWIRRO”

R.wasaare ku-xigeenka oo sheegay in Soomaaliya ay ku talaabsatay horumar dhinac kasta leh “SAWIRRO”

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In