Wednesday, August 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R.wasaare ku-xigeenka oo sheegay in Soomaaliya ay ku talaabsatay horumar dhinac kasta leh “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
R.wasaare ku-xigeenka oo sheegay in Soomaaliya ay ku talaabsatay horumar dhinac kasta leh “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

4

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa ka qeybgalay munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare Dr. Ibraahim Iidle Suleyman, kaasoo xilka kala wareegayay guddoomiyihii hore ee Maxkamada sare Mudane Avv. Caydiid Ilka-xanaf.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

August 18, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo daahfurtay Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed

August 18, 2026

Munaasabadan oo ka dhacday xarunta Maxkamadda Sare ayaa waxaa kale oo ka soo qeybgalay Wasiiro, xildhibaano, saraakiil iyo howlwadeenada garsoorka, waxaana halkaasi khudbad ka jeediyay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mudane Carte, isaga oo ku tilmaamay isbadal taariikhi ah oo dhanka Garsoorka.

“Waxaan halkan uga mahadcelinayaa guddoomiyii hore ee Maxkamadda Sare Mudane Caydiid Ilka-xanaf, oo uu ku tilmaamay tiir ka mid ah tiirarka ugu waaweyn Garsoorka dalka, maadaama uu ka soo shaqeynayay ku dhowaad 60 sano howlaha Garsoorka, maantana uu baneeyey kursiga si sharaf leh oo Wadaniyadi ku dheehan tahay” ayuu yiri R. Wasaare kuxigeenka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa ku booriyay guddoomiyaha cusub iyo dhamaamba howlwadeenada garsoorka inay la yimaadaan, hufnaan, daacadnimo iyo isbedel cusub oo ay la yimaadaan.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay idinka sugayaan garsoor cadaalad ku dhisan, sinaan iyo Alle ka cabsi, waana inaad wax ka qabataan tabashada dadweynaha ee dhanka garsoorka, waxaana loo baahan yahay dacwadaha loo oogo si sax ah oo aan cidna lagu dulmin” ayuu mar kale kula dardaarmay bahda garsoorka Mudane Carte.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka xukuumada Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa ka qeybgalay munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen Wasiirkii cusub ee Boostada iyo Isgaarsiinta Maxamed Jaamac Mursal (Geelle), waxaana xilka wareejiyay Wasiirkii hore ee Boostada Mudane Guuleed Xuseen Qaasim.

“35 sano ka hor waxaa halkan ooli jiray sanduuqyo, maantana waxaa la marayaa Viber Optic in laga hirgeliyo xafiisyada dowladda oo dhan, waana horumar wanaagsan oo dhanka Teknolojiyada iyo isgaarsiinta casriga ah, Wasaaradda Boostadana waan ku ammaaneynaa dadaalkeeda” ayuu yiri ugu dambeyntiina R. Wasaare ku-xigeenka Mudane Carte.

1 2 3 4 5 6

 

Previous Post

R.wasaaraha oo ururada dhalinyarada kala hadlay ka qeybgalka siyaasadda “SAWIRRO”

Next Post

Ciidamada xoogga oo deegaanka Geed Timir ku dilay tiro ka mid ah Al-Shabaab

Next Post
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo raashin gaarsiiyay Buulo-barde

Ciidamada xoogga oo deegaanka Geed Timir ku dilay tiro ka mid ah Al-Shabaab

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

August 18, 2026
0

Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa qaabbilay Danjiraha cusub ee dalka Hindiya u soo magacowday...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo daahfurtay Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed

August 18, 2026
0

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku daahfurtay Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, oo ah Sharci...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “FARRIINTA SAFARKEYGU WAXA AY AHAYD NABAD IYO MIDNIMO”

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “FARRIINTA SAFARKEYGU WAXA AY AHAYD NABAD IYO MIDNIMO”

August 18, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad qado sharaf ah oo lagu maamuusay isaga...

Dowladda Soomaaliya oo ka guddoontay nuqullada waraaqaha aqoonsiga afar Safiir oo cusub

Somalia Receives Copies of Credentials from Four New Ambassadors

August 18, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E. Abdisalam Ali Abdi, received the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In