Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R.wasaare ku-xigeenka oo sheegay in Soomaaliya ay ku talaabsatay horumar dhinac kasta leh “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
R.wasaare ku-xigeenka oo sheegay in Soomaaliya ay ku talaabsatay horumar dhinac kasta leh “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

4

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa ka qeybgalay munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare Dr. Ibraahim Iidle Suleyman, kaasoo xilka kala wareegayay guddoomiyihii hore ee Maxkamada sare Mudane Avv. Caydiid Ilka-xanaf.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Munaasabadan oo ka dhacday xarunta Maxkamadda Sare ayaa waxaa kale oo ka soo qeybgalay Wasiiro, xildhibaano, saraakiil iyo howlwadeenada garsoorka, waxaana halkaasi khudbad ka jeediyay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mudane Carte, isaga oo ku tilmaamay isbadal taariikhi ah oo dhanka Garsoorka.

“Waxaan halkan uga mahadcelinayaa guddoomiyii hore ee Maxkamadda Sare Mudane Caydiid Ilka-xanaf, oo uu ku tilmaamay tiir ka mid ah tiirarka ugu waaweyn Garsoorka dalka, maadaama uu ka soo shaqeynayay ku dhowaad 60 sano howlaha Garsoorka, maantana uu baneeyey kursiga si sharaf leh oo Wadaniyadi ku dheehan tahay” ayuu yiri R. Wasaare kuxigeenka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa ku booriyay guddoomiyaha cusub iyo dhamaamba howlwadeenada garsoorka inay la yimaadaan, hufnaan, daacadnimo iyo isbedel cusub oo ay la yimaadaan.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay idinka sugayaan garsoor cadaalad ku dhisan, sinaan iyo Alle ka cabsi, waana inaad wax ka qabataan tabashada dadweynaha ee dhanka garsoorka, waxaana loo baahan yahay dacwadaha loo oogo si sax ah oo aan cidna lagu dulmin” ayuu mar kale kula dardaarmay bahda garsoorka Mudane Carte.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka xukuumada Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa ka qeybgalay munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen Wasiirkii cusub ee Boostada iyo Isgaarsiinta Maxamed Jaamac Mursal (Geelle), waxaana xilka wareejiyay Wasiirkii hore ee Boostada Mudane Guuleed Xuseen Qaasim.

“35 sano ka hor waxaa halkan ooli jiray sanduuqyo, maantana waxaa la marayaa Viber Optic in laga hirgeliyo xafiisyada dowladda oo dhan, waana horumar wanaagsan oo dhanka Teknolojiyada iyo isgaarsiinta casriga ah, Wasaaradda Boostadana waan ku ammaaneynaa dadaalkeeda” ayuu yiri ugu dambeyntiina R. Wasaare ku-xigeenka Mudane Carte.

1 2 3 4 5 6

 

Previous Post

R.wasaaraha oo ururada dhalinyarada kala hadlay ka qeybgalka siyaasadda “SAWIRRO”

Next Post

Ciidamada xoogga oo deegaanka Geed Timir ku dilay tiro ka mid ah Al-Shabaab

Next Post
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo raashin gaarsiiyay Buulo-barde

Ciidamada xoogga oo deegaanka Geed Timir ku dilay tiro ka mid ah Al-Shabaab

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In