Tuesday, May 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/Wasaare Rooble oo bayaan ka soo saaray qoraalkii ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
September 17, 2021
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Puntland ugu hambalyeeyay doorashada xubnaha Aqalka Sare
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kadib markii uu Ra’iisul Wasaaruha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ka arkay Warbaahinta Warqad baalmarsan Shuruucda dalka oo ka soo baxday Xafiiska Madaxwaynaha, wuxuu soo saaray;

A- Ku xadgudubka sharciga

Related posts

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025

1- Warqadda ka soo baxday Madaxwaynaha ee cinwaankeedu ahaa hakinta Awoodaha Wasiirka koowaad iyo dardargalinta Doorashada dalku, waa mid si cad u hareer marsan Dastuurka KMG ah ee Qaranka wuxuuna si cad ugu been abuurtay qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka oo aan meelna looga xusin in uu Madaxwaynuhu faragalinkaro Awoodaha Dastuuriga ah ee Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisa.

2- Madaxwaynuhu wuxuu si ku talo gal ah ugu tuntay Qodobka 99-aad ee Dastuurka Xarfihiisa {A} {B} {C} {D} {E} {F} {G} {H} kuwaas oo dhamaantood qeexaya in Xukuumaddu awood buuxda uleedahahay dajinta siyaasadda Guud ee Xukuumadda iyo dhaqangalinteeda, Ogolaanshaha iyo Fulinta Xeerarka Maamulka, Diyaarinta Miisaaniyad Sanadeedka iyo Xisaabxirkeeda, Dhaqangalinta Shuruucda, Sugidda Nabadgalyada Dalka, Ilaalinta Danaha Dawladda, Magacaabista iyo xil ka qaadista Saraakiisha sarsare ee Dowladda, wuxuu sidoo kale Madaxwaynuhu jabiyay qodobka 100-aad oo Ra’iisul Wasaaraha awood u siinaya Magacaabista iyo Xil ka qaadista golaha Wasiirrada.

3- Madaxwaynuhu wuxuu jabiyay Qodobka 103-aad ee Dastuurka KMG ah oo Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa Xaq u siinaya in ay hayaan awoodda fulinta ee dalka inta u dhaxaysa taariikhda Doorashada Guud iyo marka la dhaariyo Ra’iisul Wasaare cusub iyagoo waajibaadkooda u fulinaya si caadi ah.

4- Madaxwaynuhu wuxuu iska indhatirayaa Qodobka 91-aad ee Dastuurka oo qeexaya mudada xil-haynta Madaxwaynaha oo ah Afar Sano oo ka bilaabata maalinta Xilka loo dhaariyo kuna ekayd 8-Feebaraayo ee Sanadkaan isagoo isku dayaya in uu faragaliyo Awoodaha Dastuuriga ah ee Xukuumadda si uu u abuuro fowdo iyo deganaasho la’aan.

5- Haddaba iyadoo laga duulayo sarraynta Sharciga, Ra’iisul Wasaaruhu isaga oo xiganaya Qodobka 4-aad Faqradiisa koowaad ee Dastuurka KMG oo qeexeysa in Xukuumaddu u hoggaansameyso oo kaliya Go’aannada waafaqsan Dastuurka wuxuu cadaynayaa in aanay waxba ka jirin Warqadda Sharci darrada ah ee ka soo baxday Madaxwaynaha loona hoggaansamaynin.

B- Carqaladaynta Doorashooyinka iyo Siyaasadaynta Nabadgalyada iyo Dhaqaalaha Dawladda.

1- Madaxwaynaha oo Mas’uuliyadiisu ay ahayd in uu dalka ku hago Doorashooyin daahfuran oo dimuquraadi ah ayaa ku guul daraystay in uu fuliyo waajibaadkaas Dastuuriga ah taas oo keentay in la gaaro heshiiskii 17-kii September 2020 oo Ra’iisul Wasaaraha loogu igmaday in uu fuliyo heshiiskaas si ay dalka uga dhacdo Doorashadii lagu heshiiyay.

2- Nasiib darro, Madaxwaynuhu isagoo isticmaalaya qaar ka mid ah Hay’adaha Amniga iyo Xafiiskiisa wuxuu maalmo gudahood bilaabay in uu ku dhaqaaqo falal uu ku fashilinayo Doorashada, jabinaya Heshiiskii la gaaray, waxyeelaynaya Awoodda Ra’iisul Wasaaraha isla markaana abuuray Khilaaf baahsan taas oo ugu danbayn uu Madaxwaynuhu qaaday isku daygii dhiigu ku daatay ee Muddo korarsiga ahaa oo aanu wali ka tanaasulin Madaxwaynuhu.

3- Madaxwaynuhu wuxuu bilihii la soo dhaafay qaadayay talaabooyin uu ku carqaladaynayo awoodihii Dastuuriga ahaa ee uu Baarlamaanka hortiisa dib ugu celiyay Ra’iisul Wasaaraha, ee hoggaaminta Amniga iyo Doorashooyinka Dalka, wuxuu sidaas oo kale isku dayay burinta heshiiskii 27-May 2021 oo lagu soo afjaray qalalaasihii ka dhashay Go’aankii muddo kororsiga ee Madaxwaynaha ee 12-April 2021.

4- Si la mid ah xasaradihii uu abuuray Madaxwaynuhu 25-kii Bishii April ee keenay kala jabkii Ciidanka Qaranka iyo barakicii Dadweynaha Muqdisho, Warqadda Sharci darrada ah ee uu soo saaray Madaxwaynuhu waxay daliil ut ahay in aanu wali ka tanaasulin damaciisii ahaa in uu dalka ku celiyo Colaad Sokeeye ama si aan Sharciga waafaqsanayn ku joogo xafiiska Dalka ugu sarreeya.

C- Dardargalin howlaha Hay’adaha Dowladda iyo Doorashooyinka.

1- Si waafaqsan qodobada 99-aad, 100-aad iyo 103 ee Dastuurka, Ra’iisul Wasaaruhu, wuxuu farayaa dhammaan hay’adaha Dowladdu in ay si caadi ah u gutaan waajibaadkooda Shaqo ee u adeegista Shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta Danaha Qaranka.

2- Si waafaqsan heshiisyadii 17-September 2020, 27-kii May 2021, iyo 22-kii August 2021 ee uu gaaray Golaha Wadatashiga Qaranka, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu farayaa dhammaan Guddiyada Doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed in ay dardargeliyaan dhameystirka Doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka iyagoo ilaalinaya jadwalka guud ee doorashooyinka Dalka.

3- Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku boorrinayaa Madaxwaynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah in ay u fududeeyaan Guddiyada Doorashooyinka gudashada waajibaadkooda shaqo si loo dhammeystiro Doorashooyinka Dalka.

4- Si waafaqsan Qodobka 127-aad Faqradihiisa {B} {C} {E} ee Dastuurka Qaranka, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu farayaa Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka sida in aanay ku milmin arrimaha Siyaasadda, dhawraan Talinta Sharciga ee Hay’daha Dimuquraadiga ah iyo ilaalinta Dastuurka, isla markaana sii wataan waajibaadka ka saaran ilaalinta Nabadgalyada Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo Xasiloonida guud ee Qaranka.

5- Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu qaybaha kala duwan ee Ciidammada Qaranka ku bogaadinayaa sida geesinimada iyo naf-hurista leh ee ay ugu adeegayaan dalkooda, wuxuuna u xaqiijinayaa in xukuumadda ay ka go’antahay joogteynta Xuquuqda Ciidamada iyo qaadista tallaabo kasta oo garab -istaag u ah Geesiyaasha u taagan Difaaca Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.

6- Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu hoosta ka xarriiqayaa in aan la aqbali karin in Miisaaniyadda qaybo ka mid ah Hay’adaha dowladda loo isticmaalo si ka baxsan nidaamka hufnaanta maaliyadda ee Dalka waana in hay’adaha Maaliyaddu ku taagnaataa u hoggaansanaanta Wareegtadii Ra’iisul Wasaaraha ee soo baxday 09-kii Bishaan oo ku salaysnayd isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta.

Baaq.

1- Sida uu qabo Qodobka 3-aad ee Dastuurka KMG ah, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusuusinayaa Madaxwaynaha in uu ilaaliyo mabaadi’da aas-aasiga ah ee kala soocnaanta Awoodaha hay’adaha Dowladda, joojiyaanna faraglinta uu ku hayo xukuumadda iyo Garsoorka oo tusaale ay u tahay sida uu isugu dayayo in uu hor-istaago Caddaalad u helista Ikraan Tahliil Faarax

2- Ra’iisul Wasaaruhu isagoo ilaalinaya Danta Guud ee Qaranka iyo nidaamka Dawlad-nimada, wuxuu ugu naseexaynayaa Madaxwaynaha in uu joojiyo ku xad-gudubka Dastuurka Qaranka, Jabinta Heshiisyadii Doorashooyinka, Carqaladaynta hawlaha Xukuumadda, abuurista Xasiloonidarrada iyo isku dayga sadbursiga Doorashooyinka oo ay tahay in ay usinaadaan dhamaan Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxwaynaha.

3- Ra’iisul Wasaaruhu, wuxuu ugu baaqayaa Shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan daganaasho, ilaaliyaan Nabadgalyada, kuna garab-istaagaan Xukuumadda in ay dhamaystirto Doorashooyinka Dalka oo ah waddada kaliya ee furan si aan uga baaqsano dib unoqosho.

4- Ra’iisul Wasaaruhu, isagoo uga mahadcelinaya doorkooda, wuxuu ugu baaqayaa beesha Caalamka in ay ku gacansiiyaan Xukuumadda dhamaystirka Doorashooyinka iyo ka hortagga isku day kasta oo lagu carqaladaynayo Doorashooyinka, wuxuuna si gaar ah u xusuusinaynaa in il gaar ah lagu hayo shaqsiyaadka ku hawlan fashilinta Doorashooyinka iyo abuurista Xasiloonidarro Siyaasadeed iyo mid Amni.

Balanqaad.

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxeey ubalanqaadaysaa Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka in ay xoogga saarayso dhamaystirka Doorashooyinka, Ilaalinta Nabadgalyada, iyo dhawrista Nidaamka Dawladnimada si hugaanka dalku loogula kala wareego si nabadgalyo ah.

Previous Post

Horyaalka heerka 1aad ee kubadda cagta Galmudug oo maanta la daah furay “SAWIRRO”

Next Post

Wasaaradda Caafimaadka Koofur galbeed oo Baydhabo Ku qabatay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Badqabka Bukaanka

Next Post
Wasaaradda Caafimaadka Koofur galbeed oo Baydhabo Ku qabatay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Badqabka Bukaanka

Wasaaradda Caafimaadka Koofur galbeed oo Baydhabo Ku qabatay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Badqabka Bukaanka

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
0

Ciidanka Deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa fuliyay howlgal ay ku dileen ugu yaraan saddex...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad),ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

May 12, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay shir muhiim ah oo u dhexeeya Hay’adaha Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo...

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

May 12, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad oo garab ka helaya Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In