Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R.Wasaare Sharma’arke “Waxaan Madaxda Puntland iyo Galmudug isku afgaranay in ay dhaqan geliyaan Xabad joojin deg deg ah”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Ra’isul wasaaraha Xukuumadda oo cambaareeyay weerarka hotel ambbassidor
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’isul Wasaaraha Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo kulan qadka  teleefonka kula yeeshay Madaxweynayaasha Puntland  iyo Galmudug ayaa sheegay inay isku afgartay in magaladda Galkacyo  laga dhaqan geliyo  xabad-joogin deg deg ah, iyadoo  Taliyaasha Ciidamada  Galmudug  iyo Puntland  lagu amray in ay kala qadaan ciidamada  ku dagaalamay  magaladda Gaalkacyo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalk Soomaaliya ayaa  tilmaamay in  dhawaan  kulan la isugu  keenayo madaxda Galmudug iyo Puntland  la  qaban doono,  si loo dhameeyo colaadda magaalada Gaalkacyo ee xarunta  Gobolka Mudug.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

“Waxaan Madaxda Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland uga mahadcelinya sida ay iiga aqbaleen in xabad joojin qaataan, kadib markii aan qadka telefonka kula xiriiray, runtii aad baan uga xunahay kan Xukuumad ahaan colaadda soo noq noqatay ee magaalada Gaalkacyo, waxaana ku rajo weynahay inay dhaqan gasho heshiiska aan maanta garwadeenka ka ahaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa xusay in xilligan aan la joogin waqti colaad la huriyo, Soomaaliya waxa ay soo martay marxalado kala duwan, waxanaa hada ku jirnaa marxalad doorasho iyo isbadal horumarineed, waxaana bulshada Soomaaliyeed, gaar ahan kuwa magaalada Gaalkacyo ku baaqayaa inay ka qeyb qaataan horumarka gobolka gobolka, isla markaana aan la joogin xilli colaadeed.

 

 

Previous Post

Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka oo beri ka bilabaneysa Beydhabo

Next Post

Madaxda Maxkamadaha Ciidamada Qalabka Sida oo faah faahin ka bixiyay socdaal shaqo ay ku tegeen Masar “SAWIRRO”

Next Post
Madaxda Maxkamadaha Ciidamada Qalabka Sida oo faah faahin ka bixiyay socdaal shaqo ay ku tegeen Masar “SAWIRRO”

Madaxda Maxkamadaha Ciidamada Qalabka Sida oo faah faahin ka bixiyay socdaal shaqo ay ku tegeen Masar "SAWIRRO"

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In