Tuesday, September 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Radio Muqdisho.. Codkii damista diiday…66 sano oo guuleed,,,WQ: Liibaan Cabdi Cali

admin by admin
9 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
Radio Muqdisho.. Codkii damista diiday…66 sano oo guuleed,,,WQ: Liibaan Cabdi Cali
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026
 

Maanta waxan u joognaa Radio Muqdisho codka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo u dabbaal degaya sanad guuradii 66-aad eek a soo wareegtay markii la aasaasay.
Sanadkii 1951-kii, 9 sano ka hor intii aan dalku xor noqon ayaa uu hawada soo galay Radio Muqdisho. Waa raadiyaha labaad ee ugu facweyn idaacadaha af-soomaaliga ku hadla dal iyo dibad meel ay ka soo hadlaanba.

Waxaa ka fac weyn Radio Hargaysa oo la aasaasay 1943-kii.

Anigu Radio Muqdisho waxaan xasuustaa tan iyo yaraanteydii. 1991-kii markaas oo aan baadiyaha ka soo guurnay oo soo degnay Xarardheere, Mudug, ayaa maqli jiray.

Aabbe ayaa aad ugu taxnaa, oo iiga diri jiray Eeddo Dahabo Raadiyo Panasonic ah, si uu habeenkii Radio Muqdisho uga dhageysto.

Heestii ugu horreysay ee aan abid maqlo waxaan ka dhageystay Radio Muqdisho, waxaana heesta ay qaaddo Hiba Maxamed ee ay miraheeda ka mid yihiin ‘ Ka tashada cadaawahoo Isku tiirsanaada”.

Xilli ay Soomaalidu bilowday in ay is tumaatido, ayuu wali Radio Muqdisho ka hadlayay midnimo iyo in aan aqal tiir la’aantii taagnaan Karin.

sanadihii ka sii dambeeyay ee ay dowladnimadu sii wiiqantay, wali Radio Muqdisho hawada ayuu ku jiray, hadba geed ayuu soo harsaday, hadbana duruuf ayuu ku jiray. Waxaase hubaal ah in uu mar walba kaga duwanaa idaacadihii kale ee dalka ka jiray in uu yahay dhaxal Soomaaliyeed oo fac weyn, kaas oo waxa ka baxaya ee suugaan, taariikhba leh ay dadka Soomaaliyeed xusuusinayeen taariikh dheer oo la soo maray iyo dhaxal ay iyagu leeyihiin.

2004-tii ayaan markii ugu horreysay soo galay Radio Muqdisho, waxaa I keenay saaxiibkey Saalax SONNA oo xilligaas raadiyaha ka shaqeynayay. Markii labaad ee aan imaadana waxay ahayd 2009-kii markaas oo ay ka mid noqday howl wadeennada Radio Muqdisho.

Halkan ayay ka shaqeeyeen oo ay bulshada kala hadleen magacyo waaweyn iyo shakhsiyaad aad loo yaqaanno oo Soomaaliyeed. Halkan ayay ku barbaareen ayna albaabka caannimada ka galeen rag iyo gabdho badan oo Soomaaliyeed.

Halkan waxaa ka soo shaqeeyay Wasiirro, Xildhibaanno iyo Professors jaamacadeed oo safarkooda nolosha shaqo ka bilaabay Radio Muqdisho.

Markii uu cirkaas marayay , markii uu yara shiiqay iyo hadda oo uu soo kabanayo intaba waxaa Radio Muqdisho ka shaqeynayay muwaadiniin Soomaaliyeed oo suurto galiyay in uusan hawada ka bixin, si kastoo uu codkiisu u gaabnaa ama siyaasaddiisa loo dhaliilo.

Radio Muqdisho…Codka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Soomaaliya, Radio Muqdisho..Codka Shacabka iyo Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya.. Intaas oo magac iyo hal ku dhag waxaa loola jeedaa Radio Muqdisho.

Radio Muqdisho waxa uu gaaray in uu qaato magaca Wasaaradda iyo Warbaahinta kale ee Qaranka. Dad badan ayaa wali marka doonayaan in ay Wasaaradda tilmaamaan waxay yiraahdaan Radio Muqdisho, kuwa kale ayaa SNTV u yaqaan Radio Muqdisho, taas oo uu ku kasbaday saameyntii ballaarneyd ee uu geyiga soomaalida iyo gobolka oo dhan ku lahaa bergii uu aadka u xoogganaa.

Waxaan hambalyo leeyahay bahda Radio Muqdisho iyo dhammaan intii horay uga soo shaqeysay iyo intii ka qeyb qaadatay badbaadinta dhaxalkan Soomaaliyeed oo uu keydku ugu horreeyo.

Hambalyo Radio Muqdisho… 66 sano guuro wanaagsan. Horumar iyo higsi dhabooba ayaan idiin rajeynayaa.

WQ: Liibaan Cabdi Cali

 

Previous Post

Wasaaradda Haweenka oo daah furtay ololaha ka hortagga tacadiga ka dhanka ah Jinsiga

Next Post

Sanadguurada 66-aad ee Raadiye Muqdisho,,WQ: Cabdiraxmaan (Koronto)

Next Post
Sanadguurada 66-aad ee Raadiye Muqdisho,,WQ: Cabdiraxmaan (Koronto)

Sanadguurada 66-aad ee Raadiye Muqdisho,,WQ: Cabdiraxmaan (Koronto)

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
0

Wafdi ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Belgrade...

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

August 31, 2026
0

Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Carruurta ee Aqalka Sare ee BJFS, ayaa maanta yeeshay kulankoodii...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

August 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa xarunta Wasaaradda ee Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In