Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo xariga ka jaray Waddo loogu magac daray Dr. Kadare “SAWIRRO”

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Ra’iisal Wasaare Kheyre oo xariga ka jaray Waddo loogu magac daray Dr. Kadare “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, Maarso, 27.2017——Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta furay waddo laami ah oo maamulka gobolka Banaadir uu dib u dayactir ku sameeyey, taasoo loogu magac daray Dr. Xuseen Sheekh Axmad (Kadare) oo ka mid ahaa aqoonyahanada udub dhexaadka u ahaa dhaqanka iyo afka Soomaaliga.

Guddoomiyaha Gobolka Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlay munaasabada xarig jarka wadadan ayaa xusay in kharashka lagu dhisay wadadan ay iska soo uruuriyeen maamulka gobolka iyo ganacsatada gobolka Banaadir.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Ra’iisal Wasaaraha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay maamulka gobolka Banaadir iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee gartay inay jeebkooda ka dhisaan qeybo ka mid ah dalka, ayna tahay wax lagu faano in dadka Soomaaliyeed oo is kaashanaya ay dib u dhistaan goobihii ku burburay dagaaladii dalka ka dhacay.

“Waxaan isugu nimid inaan furno maanta wado ay dhisteen oo furteen shacabka Soomaaaliyeed, kharshadkoodana ay iyagu bixiyeen, qiimo gaar ah ayay noo leedahay, waxayna muujineysaa in shacabku garteen in aysan jirin cid u maqan oo ay isku haleeyaan, balse ay iyagu gacmaha is qabsadaan dibna u dhistaan dalkooda” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo ka hadlayay munaasadaasi.

Dr. Xuseen Sh. Axmad Kadare ayaa ka mid ahaa aqoonyahanadii dalka soo maray, wuxuu caan ku ahaa suugaanta, horumarinta afka Soomaaliga, cilmi baarista dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed.

—-DHAMMAAD—-

Previous Post

Kulan looga hadlaayey Soohdimaha Gobollada iyo Degmooyinka dalka oo la qabtay.

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wefdi ka socda Bankiga aduunka-Sawirro

Next Post
Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wefdi ka socda Bankiga aduunka-Sawirro

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wefdi ka socda Bankiga aduunka-Sawirro

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In