Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo xariga ka jaray Waddo loogu magac daray Dr. Kadare “SAWIRRO”

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Ra’iisal Wasaare Kheyre oo xariga ka jaray Waddo loogu magac daray Dr. Kadare “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, Maarso, 27.2017——Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta furay waddo laami ah oo maamulka gobolka Banaadir uu dib u dayactir ku sameeyey, taasoo loogu magac daray Dr. Xuseen Sheekh Axmad (Kadare) oo ka mid ahaa aqoonyahanada udub dhexaadka u ahaa dhaqanka iyo afka Soomaaliga.

Guddoomiyaha Gobolka Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlay munaasabada xarig jarka wadadan ayaa xusay in kharashka lagu dhisay wadadan ay iska soo uruuriyeen maamulka gobolka iyo ganacsatada gobolka Banaadir.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Ra’iisal Wasaaraha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay maamulka gobolka Banaadir iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee gartay inay jeebkooda ka dhisaan qeybo ka mid ah dalka, ayna tahay wax lagu faano in dadka Soomaaliyeed oo is kaashanaya ay dib u dhistaan goobihii ku burburay dagaaladii dalka ka dhacay.

“Waxaan isugu nimid inaan furno maanta wado ay dhisteen oo furteen shacabka Soomaaaliyeed, kharshadkoodana ay iyagu bixiyeen, qiimo gaar ah ayay noo leedahay, waxayna muujineysaa in shacabku garteen in aysan jirin cid u maqan oo ay isku haleeyaan, balse ay iyagu gacmaha is qabsadaan dibna u dhistaan dalkooda” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo ka hadlayay munaasadaasi.

Dr. Xuseen Sh. Axmad Kadare ayaa ka mid ahaa aqoonyahanadii dalka soo maray, wuxuu caan ku ahaa suugaanta, horumarinta afka Soomaaliga, cilmi baarista dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed.

—-DHAMMAAD—-

Previous Post

Kulan looga hadlaayey Soohdimaha Gobollada iyo Degmooyinka dalka oo la qabtay.

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wefdi ka socda Bankiga aduunka-Sawirro

Next Post
Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wefdi ka socda Bankiga aduunka-Sawirro

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wefdi ka socda Bankiga aduunka-Sawirro

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In